Khilaafka Uganda iyo Turkey oo salka ku haya Soomaaliya iyo arrin ay go’aansatay DF
Kampala (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa la sheegay inay xudun u noqotay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Uganda iyo Turkiga, kadib markii Kampala ay hakisay dhammaan iskaashigii militari iyo difaac ee Ankara, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in muranku si weyn…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Kampala (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa la sheegay inay xudun u noqotay khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Uganda iyo Turkiga, kadib markii Kampala ay hakisay dhammaan iskaashigii militari iyo difaac ee Ankara, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in muranku si weyn ugu saabsan yahay mustaqbalka ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya.
Warbaahinta Middle East Eye ayaa Isniintii werisay in muranka labada dal uusan ku koobneyn oo keliya dalabka Uganda ee ku saabsan in Turkiga uu u gacan geliyo Fred Lumbuye, oo ah nin mucaarad ku ah dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni, balse uu salka ku hayo khilaaf ballaaran oo ku saabsan joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya.
Ilo xog-ogaal ah oo warbaahintu soo xigatay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in Uganda ay soo afjarto joogitaankeeda militari, iyadoo awoodda ciidamada Soomaaliya ay sii kordheyso, gaar ahaan kuwa uu tababaray ama taageeray Turkiga.
“Arrintan oo dhan waxay la xiriirtaa joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya,” ayuu mid ka mid ah ilahaasi u sheegay Middle East Eye.
Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda midkoodna si rasmi ah uma xaqiijin in Muqdisho ay Kampala ka dalbatay inay ciidamadeeda kala baxdo dalka.
Uganda ayaa Soomaaliya ku leh kumannaan askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo ciidamo kale ay dalka ku joogaan heshiis laba geesood ah oo ay la gashay dowladda Soomaaliya.
Middle East Eye ayaa sidoo kale sheegtay in Uganda ay sanadkii waayi karto malaayiin dollar haddii ciidamadeeda laga saaro Soomaaliya. Ilo ay warbaahintu soo xigatay ayaa qiyaasay khasaaraha dhaqaale inuu u dhaxeyn karo $60 milyan iyo $72 milyan sanadkii. Hase yeeshee, tirooyinkaas si rasmi ah uma aysan xaqiijin dowladaha Uganda iyo Soomaaliya ama Midowga Afrika.
Uganda waxay kamid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sanadkii 2007, waxaana muddo ku dhow labaatan sano ciidamadeedu door weyn ku lahaayeen howlgalka Midowga Afrika iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Doorka Turkiga ee Soomaaliya
Dhanka kale, Turkiga ayaa sanadihii dambe si weyn u xoojiyay kaalintiisa difaaca iyo amniga Soomaaliya.
Ankara waxay Muqdisho ku leedahay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, waxaana halkaas lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.
Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka taageera tababarka, qalabeynta ciidamada iyo dhinacyada kale ee difaaca, halka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay door sii kordhaya ku yeesheen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Iskaashigaas ayaa weli sii xoogeysanaya. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Axaddii Muqdisho kula kulmay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayay taliyaha xarunta TURKSOM, Major General Sabahattin Kalkan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka. Fiqi ayaa sidoo kale Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dib-u-dhiska ciidamada Soomaaliya.
Kororka awoodda ciidamada Soomaaliya iyo kaalinta Turkiga ayaa, sida ay sheegtay Middle East Eye, kamid noqday qodobbada keenay khilaafka Kampala iyo Ankara, iyadoo Uganda muddo dheer ku tiirsaneyd joogitaankeeda Soomaaliya dhinaca siyaasadda, amniga iyo dhaqaalahaba.
Soomaaliya ma isku filan tahay?
Dowladda Soomaaliya waxay muddooyinkii dambe xoogga saareysay in ciidanka qaranku si tartiib ah ula wareego mas’uuliyadda amniga dalka, inkastoo wali ay jiraan walaacyo la xiriira awoodda Al-Shabaab iyo maalgelinta howlgalka Midowga Afrika.
Xuseen Cabdirisaaq, oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa horey Somalia Today ugu sheegay in Soomaaliya ay hadda uga diyaarsan tahay sidii hore hoos-u-dhac tartiib ah oo ku yimaada taageerada ciidamada shisheeye.
“Waxaan u maleynayaa waxa dowladda Soomaaliya diidan tahay inay tahay bixitaan degdeg ah,” ayuu yiri Cabdirisaaq. “Soomaaliya hadda inta badan way isku filnaan kartaa, ciidamadeeduna aad ayay uga xoog badan yihiin sidii hore.”
Waxa uu sheegay in awoodda cirka ee dowladda, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, ay wax weyn ka beddeleen dagaalka.
“Dowladdu hadda waxay leedahay awood cirka ah iyo diyaaradaha Turkiga ee drones-ka, taasina wax weyn ayay ka beddeshay dagaalka,” ayuu yiri.
Si kastaba, AUSSOM wali waxay door muhiim ah ka ciyaartaa sugidda goobaha istaraatiijiga ah, taageerada ciidamada dowladda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo mustaqbalka maalgelinta howlgalka uu wali yahay arrin aan xal buuxa loo helin.
Uganda oo hakisay xiriirka militari
Ciidamada Uganda ee UPDF ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay si degdeg ah u hakiyeen dhammaan iskaashigii difaac iyo militari ee Turkiga.
Afhayeenka ciidanka Uganda, Colonel Chris Magezi, ayaa sheegay in go’aankaasi sii jiri doono ilaa laga xalliyo “arrimaha taagan ee iskaashiga difaaca iyo militariga” ee labada dal, balse si rasmi ah uma uusan sheegin Soomaaliya.
Khilaafka ayaa yimid xilli taliyaha ciidamada Uganda General Muhoozi Kainerugaba uu horey u muujiyay walaac la xiriira doorka Turkiga ee Soomaaliya.
Kainerugaba ayaa bishii August sheegay in ciidamada Uganda ay gebi ahaanba Soomaaliya ka bixi doonaan 1-da August 2027, inkastoo dowladda Uganda aysan jadwalkaas si rasmi ah u ansixin inuu yahay siyaasaddeeda kama dambaysta ah.
Dusha sare, khilaafka Uganda iyo Turkiga ayaa maalmahan la xiriiray Fred Lumbuye, oo ah nin Uganda u dhashay oo dowladda Museveni si weyn u dhaliila kana nool Turkiga.
Kampala ayaa doonaysa in Ankara ay u gacan geliso Lumbuye, oo wajahaya eedeymo ay kamid yihiin kicin rabshado iyo dambiyo la xiriira internet-ka.
Taageerayaasha Patriotic League of Uganda, oo uu hoggaamiyo Muhoozi Kainerugaba, ayaa Jimcihii dibadbax ka hor dhigay safaaradda Turkiga ee Kampala, iyagoo dalbanayay in Lumbuye loo gacan geliyo Uganda.
Si kastaba, ilaha ay soo xigatay Middle East Eye ayaa sheegay in kiiska Lumbuye uusan ahayn sababta ugu weyn ee khilaafka, balse uu qeyb ka yahay muran ka ballaaran oo ku saabsan Soomaaliya, joogitaanka ciidamada Uganda iyo doorka sii kordhaya ee Turkiga.
Haddii xogtaasi sax noqoto, khilaafka Kampala iyo Ankara wuxuu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay dooneyso inay kordhiso awoodda ciidamadeeda, isla markaana ay dib u qiimeyn ku socoto mustaqbalka ciidamada shisheeye iyo howlgalka Midowga Afrika ee dalka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · uganda · khilaafka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada