Maxey tahay sababta Uganda ay xiriirka ugu jartay dowladda Turkiga ?
Kambaala ( Raxanreeb Online) Ciidamada Uganda ayaa sheegay inay hakiyeen iskaashigii milateri ee kala dhexeeyay Turkiga, kadib markii la dalbaday in Ankara ay soo wareejiso qoraa siyaasadeed oo caan ah, kaas oo si adag u dhaliila Madaxweyne Yoweri Museveni.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Kambaala ( Raxanreeb Online) Ciidamada Uganda ayaa sheegay inay hakiyeen iskaashigii milateri ee kala dhexeeyay Turkiga, kadib markii la dalbaday in Ankara ay soo wareejiso qoraa siyaasadeed oo caan ah, kaas oo si adag u dhaliila Madaxweyne Yoweri Museveni.
“Ciidamada Difaaca Dadweynaha Uganda (UPDF) ayaa si degdeg ah u hakiyay dhammaan wixii iskaashi dhanka difaaca iyo milatariga ah ee kala dhexeeyay Jamhuuriyadda Turkiga,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Chris Magezi oo soo saaray bayaan uu ku daabacay bartiisa X.
Sida ay tabisay wakaaladda wararka ee AFP, taliyaha ciidanka waddanka Uganda Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweyne Museveni oo si weyn loogu arko inuu yahay ninka bedeli doona aabihiis, ayaa si isdaba joog ah waxay isugu dhaceen mas’uuliyiinta Turkiga waxaana uu salka ku hayay isku dhaco Uganda oo isku dayaysa in Fred Lumbuye oo nin dhaliila dowladda Uganda oo ku nool Turkiga loo soo gacan geliyo iyaga.
Falanqeeyaha siyaasadda ayaa wajahaya 15 dacwadood oo dambi ah, oo ay ku jiraan kicin rabshado, faafinta macluumaad been abuur ah iyo si xun u isticmaalka kombiyuutarka.
Jimcihii, kumanaan reer Uganda ah oo xiriir la leh Ururka Waddaniga ah ee Uganda, oo ah koox cadaadis bulsho iyo siyaasadeed oo xiriir la leh Muhoozi, ayaa dibadbax ka dhigay bannaanka safaaradda Turkiga ee caasimadda Kampala, sida ay tabisay AFP.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · turkiga · uganda · tahay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada