Khudbaddii Jimcaha: Ha la xurmeeyo halka loo garnaqsado
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu ka hadlayaa khudbaddii la jeediyay intii lagu jiray salaaddii Jimcaha ee 8-da Nofembar 2026, isagoo xoogga saaraya muhiimadda xurmada hay'adaha garsoorka iyo xalinta khilaafaadka dawladnimo ee Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Khudbaddii salaaddii Jimcaha ee 26-ka Jumada al-Awwal, 1448, xiiso dheeraad ah bay lahayd.
- Khilaafaadka Soomaalida, oo marka miyiga la joogo garnaqsiga xeeladaha durugsan leh laga yaqaan, waxaa ku soo siyaaday khilaaf aan Soomaalida ku cusbayn, balse aqoonta loo leeyahay ay ka yartahay hal qarni oo qura.
- advertisements Aayadda ugu dheer Qur'aanka, ee ku jirta aakhirka Suuratu al-Baqara, baa noqotay meel ay ku duugan tahay aqoonta khilaafaadka noocaas ah iyo sida loo wajaho.
- Si aftahamo leh baa jamaacadu uga dhagaysteen imaamka ahmiyadda uu Qur'aanku siinayo ka hortagga khilaafaadka, isaga oo marka hore xoojinaya xurmada dadka ka shaqeeya xaqsooridda.
Sida ay sheegtay Hiiraan Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo xalliyo arrimaha la soo jeediyay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
Maqaalku wuxuu ka hadlayaa khudbaddii la jeediyay intii lagu jiray salaaddii Jimcaha ee 8-da Nofembar 2026, isagoo xoogga saaraya muhiimadda xurmada hay'adaha garsoorka iyo xalinta khilaafaadka dawladnimo ee Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
By: Mohamed Ibrahimrashid Sunday November 8, 2026
Khudbaddii salaaddii Jimcaha ee 26-ka Jumada al-Awwal, 1448, xiiso dheeraad ah bay lahayd. Fadhiyadii jamaacada salaadda Jimcaha soo oogtay baa sidoo kale muujinayay dhag-raaricin. Siyaabaha khilaafaadka dawladnimo ee cusub loo xalliyo iyo dul-istaagga qoto-gaabnida ka jirta xirfadda aqooneed ee xallinta khilaafaadkaas bay jamaacadu dhegaysatay. Qoraalkan kooban waxaan ku soo koobayaa khudbaddii qaab falanqayn ah.
Khilaafaadka Soomaalida, oo marka miyiga la joogo garnaqsiga xeeladaha durugsan leh laga yaqaan, waxaa ku soo siyaaday khilaaf aan Soomaalida ku cusbayn, balse aqoonta loo leeyahay ay ka yartahay hal qarni oo qura. Waa khilaafka dawladnimada. Labada ugu muhiimsan ee khilaafaadka dawladdu yeelato waa midka ka dhex dhaca dawladda iyo shacabka, halka kan labaad uu yahay khilaafka ka dhex aloosma hay'adaha dawladda dhexdeeda.
advertisements Aayadda ugu dheer Qur'aanka, ee ku jirta aakhirka Suuratu al-Baqara, baa noqotay meel ay ku duugan tahay aqoonta khilaafaadka noocaas ah iyo sida loo wajaho. Jamaacada salaadda Jimcaha oogaysay ayaa khudbadda ugu horrayn ugu billowday su'aal isweydiin mudan: maxay ka hadli kartaa aayadda ugu dheer Qur'aanka?
Cibaadada Alle oo keliya, jihaadka mise maqaasidda kale ee Islaamka? In la ogaado in aayaddu si gaar ah uga hadlayso khilaafaadka iyo sida loo xalliyo baa xiiso weyn lahayd.
Waxaa lagu sheegay sida caddaaladda leh ee garta loo qaado iyo sida dadka loogu kala garniqo. Aayaddu waxay sidoo kale ka hadlaysaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba ama aan awoodin inay xaqooda sheegtaan iyo sida loo kaalmaynayo.
Si aftahamo leh baa jamaacadu uga dhagaysteen imaamka ahmiyadda uu Qur'aanku siinayo ka hortagga khilaafaadka, isaga oo marka hore xoojinaya xurmada dadka ka shaqeeya xaqsooridda. Waxaa cajiib ah sida Eebbe Weyne u farayo in la xurmeeyo dadka qora dacwadaha iyo kuwa maragga fura, isaga oo u dammaanad dalbayo Allah ilaalin iyo xurmo dhidib adag ku taagan.
Jamaacadu waxay dhegaysatay in ay jirto arrin muhiim ahi: xurmada madaxda garsoorka waa in la ilaaliyo, lagamana dhiirran karo in loo geysto hanjabaad, cabsi-gelin iyo xurmo-ka-qaadis, si aanu u dhicin isbarbaryaac bulsho oo kala dambaynta wiiqa.
Meel aayaddu waxay marqaatiyada ku faraysaa inaanay diidin haddii loo yeero. Isla aayadda dhammaadkeeda, marqaatiyadii loo yeeray ee laga dalbaday inay gutaan waajibaadkooda, Alle wuxuu faray in aan wax dhib iyo shiddo loo gaysan. Taas macnaheedu waa in awoodaha garsoorka, iyo cid kasta oo qayb ka noqonaysa xallinta khilaafaadka, ay mudan yihiin in la xurmeeyo oo la ilaaliyo.
Khudbad noocan ahi waxay ku soo aadaysaa xilli dalkeennu ku jiro xaalad siyaasadeed oo qar ku socota. In laga maqlo minaaradaha baaca dheer ee ka qotoma deris kasta agtiisa, waa horumar xoojinaya suuragalnimada baaq nabadeed, helidda waanooyinka midnimada qaranka ku aaddan iyo xoojinta walaalnimada iyo Soomaalinimada.
Waxay kaloo khudbadaha noocan ahi abuuraan aqoon iyo wacyi la garab dhigayo dhaqanka qalalaasaha ee dalkeennu soo maray. Halka loo noqonayo ee ummaddu ku kalsoonaan karto baa ah in la fahmo xurmada ay mudan tahay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu ka hadlayaa khudbaddii la jeediyay intii lagu jiray salaaddii Jimcaha ee 8-da Nofembar 2026, isagoo xoogga saaraya muhiimadda xurmada hay'adaha garsoorka iyo xalinta khilaafaadka dawladnimo ee Soomaaliya.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedaha la soo jeediyay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dhinacyada la eedeeyay ama la falanqeeyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay fasiraadda qoraaga ee khudbadda iyada oo aan la helin ilo kale.
Gunaanadka akhristaha
Khudbaddan waxay muujinaysaa baahida loo qabo in la xurmeeyo hay'adaha garsoorka iyo muhiimadda xalinta khilaafaadka dawladnimo ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo xalliyo arrimaha la soo jeediyay?
- Sidee ayey xubnaha bulshada u qorsheynayaan inay hirgeliyaan fikradaha lagu sheegay khudbadda?
- Maxay yihiin saamaynta ballaaran ee khudbaddan ku yeelan karto dawladnimada Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraan Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · jimcaha · khudbaddii · xurmeeyo