Mucaaradka oo ka fal-celiyay tallaabadii uu qaaday Ugaaska Beesha Xawaadle
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiSiyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka falceliyay hadalladii uu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ka jeediyay xiisadaha korodhay ee Beledweyne.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ugaaska ayaa ka digay duulaan uu sheegay inuu ku soo wajahan yahay gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in qorshahaas ay ka dambeeyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda.
- Intaas kaddib, waxaa soo hadlay hadlay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo sheegay in hadalka Ugaaska uu yahay digniin horleh oo muujinaysa in xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka ay kusii socoto meel halis ah.
- “Qeyladhaanta uu xalay saqdii dhexe bulshada u diray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waa digniin hor leh oo muujinaysa halista uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday u horseeday dalka ee aan muddada dheer uga digaynay dadka Soomaaliyeed.
- Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Bulshada gobolka Hiiraan waxay tabasho dhab ah ka muujiyeen saamiqeybsiga dowladda, waxayna isugu yimaadaan shir ay uga tashanayaan aayahooda.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee mucaaradka qaadi doonaan si ay uga falceliyaan digniinaha Ugaas Khaliif?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa shir jaraa'id ku qabtay Beledweyne isagoo ka hadlay xiisadaha korodhay ee gobolka.
- Ugaas Khaliif ayaa ka digay duulaan uu sheegay inuu ku soo wajahan yahay gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in qorshahaas ay ka dambeeyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda.
- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo sheegay in hadalka Ugaaska uu yahay digniin horleh oo muujinaysa in xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka ay kusii socoto meel halis ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay hadalka kasoo yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xalay saq-dhexe shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Beledweyne, isaga oo si kulul uga hadlay xaaladda kasoo korortay magaaladaas oo laga dareemayo xiisad u dhexeysa HirShabelle iyo siyaasiyiin gadoodsan oo kasoo jeeda beesha Xawaadle.
Ugaaska ayaa ka digay duulaan uu sheegay inuu ku soo wajahan yahay gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in qorshahaas ay ka dambeeyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda. Sidoo kale, waxa uu ciidamada deegaanka ka dalbaday inay qaataan doorkooda, ayna difaacaan dhulkooda, si looga hortago in xoog lagu qabsado gobolka Hiiraan.
Intaas kaddib, waxaa soo hadlay hadlay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo sheegay in hadalka Ugaaska uu yahay digniin horleh oo muujinaysa in xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka ay kusii socoto meel halis ah. Waxaa kale oo uu cambaareeyay duulaan uu sheegay in dowladda ay ku hayso shacabka reer Hiiraan.
“Qeyladhaanta uu xalay saqdii dhexe bulshada u diray Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waa digniin hor leh oo muujinaysa halista uu Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday u horseeday dalka ee aan muddada dheer uga digaynay dadka Soomaaliyeed. Waxaan cambaareynayaa duullaanka uu taliska uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ku weerarayo shacabka magaalada Beledweyne,” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Bulshada gobolka Hiiraan waxay tabasho dhab ah ka muujiyeen saamiqeybsiga dowladda, waxayna isugu yimaadaan shir ay uga tashanayaan aayahooda. Halkii laga jawaabi lahaa tabashadooda, laguna xallin lahaa wadahal, waxaa ayaandarro ah in maanta lagu weerarayo ciidankii xoogga dalka, si loo maquuniyo rabitaanka dadweynaha iyo masiirka deegaanka”.
Sidoo kale, wuxuu uga digay ciidamada dowladda in ay ka qayb qaataan dagaal ka dhaca gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in loo carbiyay difaaca qaranka iyo ilaalinta shacabka, balse aysan ahayn in loo adeegsado weerarro ka dhan ah dadka shacabka ah.
“Waxaan saraakiisha iyo askarta ciidanka uga digayaa in ay galaan dagaal sokeeye oo qeyb uga noqonayaan duullaanka Xasan Sheekh ku qaadayo gobolka Hiiraan. Waxaan xusuusinayaa in loo carbiyay difaaca qaranka iyo ilaalinta shacabka ee aan loo dhisin in ay sharcidarro ugu adeegaan Madaxweyne waqtigiisu dhammaaday. Waxaana ugu baaqayaa in aysan aqbalin amar kasta oo lagu weerarayo shacabkii ay ahayd in ay difaacaan, kana fiirsadaan sababta ay u hurayaan naftooda qaaliga ah,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle uu muujinayo in xaaladda gobolka Hiiraan ay gaartay mee halis ah, loona baahan yahay in si degdeg ah tallaabo loog qaado, si looga hortago in xiisaddu isu beddesho colaad horseedi karta dhibaato amni iyo mid bulsho.
“Waxaan damqasho, murugo iyo walaac xooggan ku dhegaystay farriinta Ugaaska Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. Carada, murugada, tabashada iyo digniinta hadalkiisa ka muuqatay waa inay kiciyaan dareenka qof kasta oo Soomaaliyeed oo ka damqanaya mustaqbalka dadkiisa, dalkiisa iyo deegaankiisa.
Marka hoggaamiye dhaqameed uu xubnaha beeshiisa ee ciidanka qaranka ku jira ugu baaqo inay ka soo baxaan oo ay difaacaan jiritaanka, sharafta iyo karaamada beeshooda, waxay muujinaysaa in xaaladdu gaartay heer aad u halis ah. Waxa indhaheenna hortooda ku dumaya waa dawladnimadii: khilaafkii siyaasadeed ayaa isu beddelaya dagaal beeleed, hay’adihii amniga ayaa kala daadanaya, bulshadiina way sii kala irdhoobaysaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in hadalka Ugaas Yuusuf Xasan uu la mid yahay qaylo dhaantii uu horay u diray Ugaaska Beesha Murusade, xilligii la weerarayay siyaasiga Xasan Cali Khayre.
“Farriinta Ugaas Yuusuf waxay i xusuusinaysaa qaylodhaantii Ugaaska Murasade ee 3-dii Juun, markii isaga, odayaasha beeshiisa iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ay weerar kala kulmayeen ciidamada amniga. Shalay waxay ahayd Murasade; maantana waa Xawaadle. Su’aashu waxay tahay: immisa beelood oo kale ayaa dareemaya in lagu soo socdo haddii aan jidkan laga joogsan?,” ayuu kusii daray Xildhibaanku.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xiisad coladeed laga dareemayo Beledweyne oo uu shalay gaaray madaxweyne ku xigeenk HirShabelle Cabdifitaax Xasan Afrax, halka dhinaca kale uu magaaladaas shalay tegay taliyihii hore ee NISA Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo isna ciidamo wata, kana yimid dhinaca dalka Itoobiya.
Imaatinka labada masuul iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda magaalada ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Hiiraan ay isu beddesho xaalad amni, iyadoo dhinacyada kala duwan ay soo saarayaan digniino ku saabsan in laga fogaado isku dhac iyo daadinta dhiigga.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka falceliyay hadalladii uu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ka jeediyay xiisadaha korodhay ee Beledweyne.
Qodobada muhiimka ah
- Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa shir jaraa'id ku qabtay Beledweyne isagoo ka hadlay xiisadaha korodhay ee gobolka.
- Ugaas Khaliif ayaa ka digay duulaan uu sheegay inuu ku soo wajahan yahay gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in qorshahaas ay ka dambeeyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda.
- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo sheegay in hadalka Ugaaska uu yahay digniin horleh oo muujinaysa in xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka ay kusii socoto meel halis ah.
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle uu muujinayo in xaaladda gobolka Hiiraan ay gaartay mee halis ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Eedeymaha ku saabsan duulaanka soo socda iyo in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku wuxuu si weyn u tiirsan yahay hadallada ka soo yeeray hoggaamiyayaasha mucaaradka.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda gobolka Hiiraan ayaa ah mid kacsan, iyadoo hoggaamiyayaasha deegaanka ay ka digayaan khataro suurtagal ah oo colaadeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee mucaaradka qaadi doonaan si ay uga falceliyaan digniinaha Ugaas Khaliif?
- Sidee ayey dowladda uga jawaabi doontaa eedeymaha ay soo jeediyeen Ugaas Khaliif iyo hoggaamiyayaasha kale ee mucaaradka?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la tixgelinayo si loo xalliyo xiisadaha ka jira Hiiraan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · fal · celiyay · mucaaradka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Mucaaradka oo ka horyimid go’aankii Xasan ee Maxkamadda Sare, soona saaray digniin culus
Caasimada Online
- Ugaaska Xawaadle: Hiiraan waxaa duulaan ku soo ah reer magac dowlaleed sheegta
Puntland Post
- Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan “Gobolka Hiiraan waxaa ku soo duulay dad hal reer ah oo Magaca Dowladeed wato”
Hiiraanweyn