Koonfur Galbeed: Dagaal, Barakac iyo Daadad Isbiirsaday oo Halis ku Haya Boqollaal Kun oo Shacab ah
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiCiidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku fiday magaalooyin iyo degaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bay, taas oo keentay saameyn weyn oo bani'aadannimo.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayRoobabkan xooggan waxay goyn karaan waddooyinka, waxay burbur u geysan karaan guryaha iyo xeryaha barakacayaasha, waxayna hakad gelin karaan hawlihii gurmadka degdegga ah.
- Xafiiska Laftagareen ayaa shaaciyay in ciidankiisu la wareegeen gacan ku haynta afarta degmo ee Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo Diinsoor, iyo weliba degaanka Awdiinle.
- Xogta ay xaqiijisay Goobjoog News ayaa caddaynaysa in ciidamada taageersan Laftagareen ay toos ula wareegeen degmooyinka Qansaxdheere, Buurhakaba iyo Bardaale.
- Qansaxdheere ayaa ahayd magaaladii ugu horraysay ee la xaqiijiyay in ciidamada Laftagareen ay qabsadeen.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa khilaafka socda iyo saameynta bani'aadannimo, taas oo saameyn ku yeelanaysa kumanaan rayid ah oo ku sugan gobolka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda hadda ee gacanta ku haynta Diinsoor?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku fiday magaalooyin iyo degaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bay.
- Dagaal ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo bishii Agoosto waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo rayid ah, halka 98 kalena ay ku dhaawacmeen.
- Iska horimaad kale oo dhacay bishii Sebteembar ayaa Isbitaalka Guud ee Gobolka Bay la geeyay 71 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jireen 15 dumar ah, halka qof rayid ahi uu ku geeriyooday.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
BAYDHABO (Goobjoog News) — Ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku fiday magaalooyin iyo degaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bay, taas oo colaaddii markii hore ku koobnayd magaalada Baydhabo u beddeshay loollan ballaaran oo saameyn taban ku yeeshay shacabka, isusocodka iyo hawlihii bani’aadannimada.
Xafiiska Laftagareen ayaa shaaciyay in ciidankiisu la wareegeen gacan ku haynta afarta degmo ee Qansaxdheere, Buurhakaba, Bardaale iyo Diinsoor, iyo weliba degaanka Awdiinle.
Xogta ay xaqiijisay Goobjoog News ayaa caddaynaysa in ciidamada taageersan Laftagareen ay toos ula wareegeen degmooyinka Qansaxdheere, Buurhakaba iyo Bardaale. Warar madaxbannaan ayaa sidoo kale sheegaya inay galeen degaanka Awdiinle, halka xaaladda degmada Diinsoor aysan weli helin xaqiijin madaxbannaan oo dhammaystiran.
Qansaxdheere ayaa ahayd magaaladii ugu horraysay ee la xaqiijiyay in ciidamada Laftagareen ay qabsadeen. Dhanka kale, Buurhakaba waxaa lagu qabsaday dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamadaas iyo kuwa taageersan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka cusub ee Koonfur Galbeed, halka Bardaale ay ciidamadu galeen kaddib markii xoogaggii hore ugu sugnaa ay faarujiyeen fariisimahoodii.
Magaalada Buurhakaba waxay ku taallaa jidka halbowlaha ah ee isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, halka Bardaale iyo Awdiinle ay ku dhow yihiin marinnada galbeed ee laga soo galo caasimadda gobolka Bay.
Isbeddelka gacan ku haynta degaannadan ayaa halis toos ah ku ah isusocodka shacabka, dhaqdhaqaaqa ganacsiga, daabulidda ciidamada iyo sahayda gargaarka degdegga ah.
Hasayeeshee, gelitaanka ciidamadani magaalooyinka mar kasta macnaheedu ma aha inay heleen maamul buuxa oo deggan.
Waxaa weli muhiim ah in la xaqiijiyo cidda gacanta ku haysa xarumaha maamulka degmooyinka iyo saldhigyada booliska, in hay’adihii rayidka ahaa ay shaqaynayaan iyo in gaadiidka shacabka iyo kan hay’adaha gargaarku ay si nabad ah waddooyinka u isticmaali karaan.
Asalka Xiisadda iyo Loollanka Sharciyadda
Xiisadda hadda cirka isku shareertay ayaa salka ku haysa khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay, kaas oo u dhexeeyay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Cabdicasiis Laftagareen.
Ciidamada federaalka ayaa 30kii Maarso 2026 si buuxda ula wareegay ammaanka magaalada Baydhabo, tallaabadaas oo keentay in Laftagareen uu shaaciyo inuu xilka ka degay. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu markii dambe caddeeyay in tallaabadaas lagu khasbay, isagoo weli sheeganaya inuu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed.
Bishii Juun ee sannadkan, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay hoggaanka Koonfur Galbeed, waxaana maamulkiisa si rasmi ah u aqoonsatay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dhaqdhaqaaqyada cusub ee ciidamada Laftagareen waxay muujinayaan in murankii sharciyadda hoggaanku uu hadda u xuubsiibtay loollan dhuleed iyo iska horimaad hubaysan oo fool ka fool ah.
Khasaaraha ka Dhashay Dagaalka
Khasaaraha bani’aadannimo ee ka dhashay colaadda ayaa durba si cad u muuqda. Dagaal ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo bishii Agoosto waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo rayid ah, halka 98 kalena ay ku dhaawacmeen. Iska horimaad kale oo dhacay bishii Sebteembar ayaa Isbitaalka Guud ee Gobolka Bay la geeyay 71 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jireen 15 dumar ah, halka qof rayid ahi uu ku geeriyooday.
Tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Qansaxdheere, Buurhakaba iyo degaannada kale ee ku xeeran weli si rasmi ah looma shaacin. Sidoo kale, weli lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan qoysaska cusub ee ku barakacay, guryaha burburay iyo xarumaha adeegyada caafimaadka ama waxbarashada ee la xiray.
Magaalada Baydhabo oo keliya waxaa ku nool qiyaastii 700,000 oo qof oo barakacayaal ah, kuwaas oo noloshoodu si buuxda ugu tiirsan tahay gargaarka cuntada, biyaha nadiifka ah iyo adeegyada caafimaadka. Dadkan ayaa markii hore ka soo cararay abaaro ba’an, macaluul iyo degaannada ay maamusho Al-Shabaab, waxaana hadda xaaladdoodii hore ugu soo darsantay cabsi xooggan oo ka dhalatay dagaallada u dhexeeya ciidamada dawladda iyo xoogagga taageersan Laftagareen.
Culayska Hay’adaha Gargaarka iyo Isbitaallada
Isbeddelka gacan ku haynta magaalooyinka iyo xirnaanshaha jidadka ayaa hakad xooggan gelin kara hawlihii gargaarka. Degmada Buurhakaba waxay horeba uga mid ahayd magaalooyinka ay go’doomiyeen xannibaadaha Al-Shabaab, taas oo hay’adaha bani’aadannimada ku qasbi jirtay inay gargaarka degdegga ah ku gaarsiiyaan duulimaadyo diyaaradeed oo kharash badan ku baxo.
Dagaallo cusub ama weerarro rogaalcelis ah waxay meesha ka saari karaan awooddii koobnayd ee hay’adaha gargaarku ku bixinayeen cuntada, biyaha iyo dawooyinka. Dhanka kale, isbitaallada gobolka Bay ayaa wajahaya culays xad-dhaaf ah, iyadoo dhaawacyada dagaalku ay kuraasta, sariiraha iyo dawooyinka kooban la qaybsanayaan carruurta nafaqodarradu hayso, hooyooyinka uurka leh iyo bukaannada kale ee qaba xaaladaha degdegga ah.
Khatarta Daadadka iyo Isbeddelka Cimilada
Colaaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli roobabkii Deyrta ee lala xiriiriyay ifafaalaha cimilada ee El Niño ay ka da’een qaybo ka mid ah gobolka, taas oo kordhisay khatarta fatahaado baaxad leh.
Roobabkan xooggan waxay goyn karaan waddooyinka, waxay burbur u geysan karaan guryaha iyo xeryaha barakacayaasha, waxayna hakad gelin karaan hawlihii gurmadka degdegga ah.
Isbiirsashada dagaalka, barakaca iyo fatahaaduhu waxay dhalin karaan musiibo bani’aadannimo oo aad uga darran tii hore. Qoysaskii hore uga soo cararay dagaallada ayaa halis ugu jira inay mar labaad daadadku ka qaxiyaan xeryaha, halka hay’adaha samafalka ay ku adkaanayso inay gaaraan degaannada ay waddooyinkoodu go’een ama ay ku sugan yihiin kooxaha hubaysani.
Dadka ugu nugul waxaa ka mid ah carruurta nafaqadarrada la il daran, haweenka uurka leh, waayeelka iyo bulshada ku nool xeryaha barakacayaasha.
Fatahaaduhu waxay sidoo kale wasaqayn karaan ilaha biyaha laga cabbo, iyagoo dhulka ku reebaya dac sare u qaadaya halista cudurrada dillaaca, sida daacuunka, shubanka ba’an iyo duumada. Haddii dagaalku sii socdo, fatahaaduhuna ka sii daraan, gobolka Bay wuxuu isku mar wajihi karaa barakac cusub, cuntoyari daran iyo cudurro faafa. Shacabka rayidka ah ayaa noqonaya dhibbaneyaasha ugu weyn ee qaadaya cawaaqibta colaadda iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Sidaas darteed, xal siyaasadeed oo degdeg ah ayaa lagama maarmaan u ah badbaadinta nolosha malaayiin qof.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku fiday magaalooyin iyo degaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bay, taas oo keentay saameyn weyn oo bani'aadannimo.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ku fiday magaalooyin iyo degaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bay.
- Dagaal ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo bishii Agoosto waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo rayid ah, halka 98 kalena ay ku dhaawacmeen.
- Iska horimaad kale oo dhacay bishii Sebteembar ayaa Isbitaalka Guud ee Gobolka Bay la geeyay 71 qof oo dhaawac ah, oo ay ku jireen 15 dumar ah, halka qof rayid ahi uu ku geeriyooday.
- Xaaladda degmada Diinsoor aysan weli helin xaqiijin madaxbannaan oo dhammaystiran.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaare ee la soo sheegay.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha ka imaanaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ama dhinacyada kale ee ku lugta leh.
- Xaaladda degmada Diinsoor aysan weli helin xaqiijin madaxbannaan.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya waxay weli tahay mid aan degganayn, iyadoo saameyn weyn ku yeelanaysa amniga rayidka iyo helitaanka gargaarka bani'aadannimo.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay xaaladda hadda ee gacanta ku haynta Diinsoor?
- Immisa qoys ayaa ka barakacay colaadaha dhawaanahan?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadayo si loo daboolo baahiyaha bani'aadannimo ee ku saabsan aagagga ay saameeyeen?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa khilaafka socda iyo saameynta bani'aadannimo, taas oo saameyn ku yeelanaysa kumanaan rayid ah oo ku sugan gobolka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · koonfur · galbeed · dagaal
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada