Laftagareen oo la wareegay warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed
Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen ayaa la wareegay warfaafinta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee hadda hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Laftagareen ayaa barta rasmiga ah ee Facebook-ga ku baahiyay qoraal ku saabsan xuska 1-da Luulyo.
- Afhayeenka Laftagareen, Ugaas Xasan, ayaa ka hadlay xaaladda maamulka Koonfur Galbeed.
- Wixii qoraallo ah ee la xiriiray maamulka Aadan Madoobe iyo kii kumeelgaarka ah ayaa laga tirtiray barta warfaafinta.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen ayaa la wareegay warfaafinta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ee hadda hoggaamiyo Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Barta rasmiga ah ee madaxtooyada Koonfur Galbeed ku leedahay Facebook-ga ayaa la saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyay qoraal uu Laftagareen kaga hadlay xuska 1-da Luulyo iyo hadal uu jeediyay afhayeenkiisa Ugaas Xasan oo kaga hadlay xaaladda maamulkaas.
Sidoo kale barta warfaafinta madaxtooyada Koonfur Galbeed waxaa laga tirtiray wixii lagu baahinayay tan markii uu meesha ka baxay maamulkii Laftagareen, kuwaas oo la xiriiray maamulka Aadan Madoobe iyo kii ka horreeyay ee kumeelgaarka.
Laftagareen waxa uu weli sheeganayaa in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ciidamo taageersan ay mararka qaar weeraro ku qaadaan magaalada Baydhabo.
PUNTLAND POST
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wareegay · laftagareen · koonfur