Maamulka gobolka Banaadir iyo Booliska oo ka hadlay banaanbaxa ay iclaamiyeen mucaaradka
Waxa dhacay
Hal il · Jowhar
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Booliska ayaa ka hadlay banaanbaxa la qorsheeyay in uu dhaco 4ta bishan, iyagoo sheegay in aan la oggolaan doonin banaanbaxyo hubeysan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Guddoomiye Yabooh ayaa beeniyay in dowladu ay diidan tahay inbanaanbax la qabto.isla markaana ay madaxdii hore ay ixtiriaam mudan yihiin.
- “Banaanbax qoryo lagu waardiyaynayo oo hub lagu sito ma ogolin, waa fowdo, waxaan leenahay bulshadaan yaan gadaal loo celin.”ayuu yiri Yabooh.
- Dhinaca kale, taliska Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay shacabka ku nool magaalada Muqdisho ugu digayaan in aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, falal rabshado wata iyo isu-soo-bax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida caasimadda.
- Booliiska ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah la adkeyn doono sugidda amniga magaalada, iyadoo hay’adaha ammaanku ay si dhow ula socon doonaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho nabadgelyada guud ee Muqdisho.

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa sheegay in dowladdu ay oggolaatay banaanbax, laakiin aan la oggolaan doonin in lagu qabto hub.
- Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin ku saabsan in aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo khatar gelin kara amniga Muqdisho.
- Mucaaradka ayaa diyaarinaya banaanbax ka dhici doona Muqdisho maalinta Khamiista.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Jun 03(Jowhar)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheeegay in Maamulka Gobolka Banaadir in dowlada ay ogoshahay banaanbax ayna u cayintay saddex meelood in banaanbaxu uu ka dhacay.
Guddoomiye Yabooh ayaa beeniyay in dowladu ay diidan tahay inbanaanbax la qabto.isla markaana ay madaxdii hore ay ixtiriaam mudan yihiin.
“Banaanbax qoryo lagu waardiyaynayo oo hub lagu sito ma ogolin, waa fowdo, waxaan leenahay bulshadaan yaan gadaal loo celin.”ayuu yiri Yabooh.
Dhinaca kale, taliska Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay shacabka ku nool magaalada Muqdisho ugu digayaan in aan la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, falal rabshado wata iyo isu-soo-bax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Booliiska ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah la adkeyn doono sugidda amniga magaalada, iyadoo hay’adaha ammaanku ay si dhow ula socon doonaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga yaabo inuu saameyn ku yeesho nabadgelyada guud ee Muqdisho.
Mucaaradka dowlada federalka ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyay eek u aadan banaanbaxa la qorsheeyay inuu dhaco 4ta bishan oo ku began maalinta berri ah.
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa u soo guuray degmada Cabdulcasiis halka Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre uu soo degey degmada Howlwadaag.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · banaadir · maamulka · gobolka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada