Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Madaxweynaha Jubaland oo Tababar u Soo Xiray Ciidamo ka Tirsan Ururka Duufaan

KISMAAYO – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta tababar u soo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Daraawiishta Jubaland, kuwaas oo la filayo inay ka qeyb qaataan howlaha amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha hubeysan. Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa Madaxweynaha wuxuu ciidamada kula dardaarmay [&#8230

SO
Madaxweynaha Jubaland oo Tababar u Soo Xiray Ciidamo ka Tirsan Ururka Duufaan
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa tababar u soo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan si ay uga qeyb qaataan howlaha amniga.

Maxaa la shaaciyey

  1. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku dardaarmay inay si hufan uga faa'iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen.
  2. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in guusha howlgalada amniga ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida shacabka.
  3. Ururka Gaarka ah ee Duufaan ayaa la filayaa inuu door muuqda ka qaato howlgalada amniga.

“Waxaa muhiim ah in shacabka ay idinku arkaan ciidan u taagan badbaadadooda, amnigooda iyo horumarkooda.”

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)
Kismaayo
2026-06-14

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada amniga ee Jubaland iyo doorka ciidamada cusub.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

KISMAAYO – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta tababar u soo xiray Ururka Gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Daraawiishta Jubaland, kuwaas oo la filayo inay ka qeyb qaataan howlaha amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha hubeysan.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa Madaxweynaha wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay si hufan uga faa’iideystaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen, gaar ahaan casharrada la xiriira la dhaqanka bulshada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in guusha howlgalada amniga aysan ku koobneyn oo keliya dhinaca milatariga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ku nool deegaannada ay ka howlgalayaan.

“Waxaa muhiim ah in shacabka ay idinku arkaan ciidan u taagan badbaadadooda, amnigooda iyo horumarkooda. Taasi waa furaha guusha howlgal kasta,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubaland.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraljubalandsooururka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.