Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qayb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay salaadda Janaasadda Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo geeriyooday.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada.
- Xasan Sheekh ayaa xusay in dhaxalka wanaagsan ee marxuumka uu sii ahaan doono mid la xusuusan doono.
- Madaxweynaha ayaa tacsida la wadaagay ehellada marxuumka, isagoo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa.
“Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in bulshada Soomaaliyeed ay xusuusato doorka muhiimka ah ee uu marxuumku ku lahaa nabad-dhiska iyo mideynta bulshada.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qayb galay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada, xoojinta dowladnimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada Marxuumka, isaga oo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu kasiiyo ehelkii, qaraabadii, dhaqanka soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.