Madaxweynaha Soomaaliya oo UN-ka ka digay saameynta xiisadda Hormuz
NEW YORK, Mareykanka — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in Soomaaliya si adag u taageersan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda aayo-ka-tashiga iyo dowladnimada.

Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya si adag u taageersan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda aayo-ka-tashiga iyo dowladnimada.
- Madaxweynaha ayaa sheegay in xal waara oo ku saabsan arrinta Falastiin uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka.
- Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay badeecadaha laga keeno Bariga Dhexe, gaar ahaan cuntada, shidaalka iyo ganacsiga, taasina ay keentay in khalkhal kasta oo ka dhaca marinka uu saameyn dhaqaale iyo mid bani’aadamnimo k
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
NEW YORK, Mareykanka — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in Soomaaliya si adag u taageersan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda aayo-ka-tashiga iyo dowladnimada.
Xasan Sheekh, oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in xal waara oo ku saabsan arrinta Falastiin uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka.
“Soomaaliya waxay si adag u garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda sharciga ah ee aayo-ka-tashiga iyo dowladnimada,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Waxa uu sidoo kale ku celiyay taageerada Soomaaliya ee xal laba dowladood ah, iyadoo la dhisayo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan oo ku saleysan xuduudihii ka hor 1967.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda ka taagan Gacanka iyo saameynta ay xirnaanshaha ama carqaladeynta marinka Hormuz ku yeelan karto Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay badeecadaha laga keeno Bariga Dhexe, gaar ahaan cuntada, shidaalka iyo ganacsiga, taasina ay keentay in khalkhal kasta oo ka dhaca marinka uu saameyn dhaqaale iyo mid bani’aadamnimo ku yeesho dalka.
“Hubinta isu-socodka xorta ah ee maraakiibta ee marinka ayaa muhiim u ah ilaalinta dhaqaalaha nugul sida Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo xusay in khalkhalka uu sababi karo kororka qiimaha badeecadaha iyo sicir-bararka.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in Afrika ay weli ka maqan tahay xubinnimada joogtada ah ee golaha. Soomaaliya, oo hadda ah xubin aan joogto ahayn oo Golaha Ammaanka ah, ayuu sheegay inay taageersan tahay mowqifka mideysan ee Afrika ee ku aaddan in qaaraddu hesho matalaad macno leh labada qaybood ee Golaha Ammaanka.
Dhanka amniga, madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii waddo dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan, iyadoo xoojinaysa hay’adaha amniga, tababarka ciidamada, awoodda sirdoonka iyo iskaashiga amni ee dalalka deriska iyo beesha caalamka.
Wuxuu ku baaqay taageero joogto ah oo loo fidiyo dadaallada Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga, oo ay ku jirto maalgelin ku filan oo loo helo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in dalkiisu si adag uga soo horjeedo tallaabooyin hal dhinac ah oo wax u dhimaya arrimahaas.
Xasan Sheekh ayaa Qaramada Midoobay ka dalbaday in gargaarka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya si wanaagsan loo isku dubbarido, iyadoo dowladda Soomaaliya ay door hoggaamineed ku yeelato qorsheynta iyo fulinta mashaariicda. Wuxuu sheegay in nidaamyada is barbar socda iyo mashaariicda aan si toos ah uga dhex muuqan miisaaniyadda dowladda ay caqabad ku yihiin qorsheynta iyo dhismaha hay’adaha dalka.
Dhanka siyaasadda, Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku howlan tahay dib-u-habeyn dastuuri ah oo uu ku tilmaamay aasaaska doorashooyin qof iyo cod ah, hay’ado lala xisaabtami karo iyo nidaam xisbiyo badan.
“Dadkeennu waxay ku riyoonayeen inay hoggaamiyayaashooda ku doortaan codkooda. Doorashadii dimuqraadiyadeed ee ugu dambeysay ee Soomaaliya waxay dhacday 1969,” ayuu yiri, isagoo sheegay in dowladda ay doonayso inay taariikhdaas wax ka beddesho.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isagoo muujinaya taageerada Soomaaliya ee xaqa shacabka Falastiin iyo ka hadlaya saameynta xiisadda Gacanka Hormuz.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya si adag u taageersan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda aayo-ka-tashiga iyo dowladnimada.
- Madaxweynaha ayaa sheegay in xal waara oo ku saabsan arrinta Falastiin uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe iyo guud ahaan caalamka.
- Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsan tahay badeecadaha laga keeno Bariga Dhexe, gaar ahaan cuntada, shidaalka iyo ganacsiga, taasina ay keentay in khalkhal kasta oo ka dhaca marinka uu saameyn dhaqaale iyo mid bani’aadamnimo k
- Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in Afrika ay weli ka maqan tahay xubinnimada joogtada ah ee golaha.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan hadallada Madaxweynaha.
- Eedeymaha ku saabsan saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta carqaladeynta Gacanka Hormuz ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin dheeraad ah ama xaqiijin ku saabsan baaqa Madaxweynaha ee ku saabsan dib-u-habeynta Golaha Ammaanka.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada Madaxweynaha ayaa muujinaya mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo walaacyada ku saabsan xasilloonida gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Soomaaliya ay qaadi doonto si ay u taageerto Falastiin?
- Soomaaliya sidee bay u wajahaysaa saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta carqaladeynta Gacanka Hormuz?
- Maxay yihiin isbeddelada la soo jeediyay ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Madaxweynaha uu xusay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · madaxweynaha · xiisadda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Madaxweynaha Soomaaliya oo Qaramada Midoobay ka dalbaday xabbad-joojin degdeg ah oo Gaza ka dhaqan-gasha
Goobjoog Somali
- 6da qodob ee ugu waaweynaa khudbaddii uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey QM
BBC Somali
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
Goobjoog Somali