Madaxweynaha Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Jabuuti
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle. Madaxweynaha ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah. Waxa uu sidoo kale adkeeyay

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Jabuuti, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweynaha ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo igmaday.
- Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay dhambaal ka yimid Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
- Safiirka cusub ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.
“Madaxweynaha ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo igmaday.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle.
Madaxweynaha ayaa Danjiraha cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo igmaday, isaga oo u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah. Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Dhankiisa, Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha Soomaaliya la wadaagay dhambaal iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo uga mahadceliyay dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay.
Safiirka cusub ayaa sidoo kale soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kor u qaadidda iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.