Madaxweyne Deni oo shir gaar ah la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah madaxtooyada Garoowe kula qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka, kuwaas oo maalmahan shir… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan gaar ah madaxtooyada Garoowe kula qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka, kuwaas oo maalmahan shir uga socday caasimadda.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta hannaanka maamul-daadejinta, xoojinta wada-shaqeynta dowladda Puntand iyo degmooyinka, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Kulanka waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, waxaana ka qaybgalay dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka ee lagu soo doortay hannaanka qof iyo codka ee tooska ah.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha oo uu hoggaaminayay wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Carshe Maxamed Siciid.
PUNTLAND POST
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qaatay · gaar · puntland
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada