Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safraya dalka Mareykanka
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qaybgeli doono shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qaybgeli doono shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa Soomaaliya ku matali doona Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo madaxda dowladaha caalamku ay isugu imaanayaan magaalada New York si ay uga qaybgalaan doodaha heerka sare ee Qaramada Midoobay.
Inta uu ku sugan yahay New York, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgeli doona kulamada iyo doodaha looga hadlayo arrimaha muhiimka ah ee caalamka, gaar ahaan nabadda iyo amniga, horumarka, isbeddelka cimilada, xaaladaha bani’aadantinimo iyo iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu yeesho kulamo gaar-gaar ah oo uu kula qaato madaxda dowladaha iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo looga hadli karo arrimaha khuseeya Soomaaliya iyo xiriirka ay la leedahay bulshada caalamka.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo taageerada caalamiga ah ee dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale fursad u heli doona inuu madasha Qaramada Midoobay ku soo bandhigo aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xaaladda dalka, guulaha la gaaray iyo caqabadaha weli horyalla.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dalka · sheekh · mareykanka