Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Jowhar Kula Kulmay Saraakiisha Ammaanka Iyo Odayaasha Dhaqanka Hirshabeelle
JOWHAR– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Jowhar kula kulmay saraakiisha ammaanka iyo odayaasha dhaqanka Hirshabeelle si loo xoojiyo amniga iyo wada shaqeynta bulshada.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha dagaalka Khawaarijta.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgalinta doorashooyinka dhowaan ka qabsoomaya deegaanka.
- Madaxweynaha ayaa kormeeray Xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle oo dhismaya.
“ku bogaadiyay sida ay mas’uuliyadda culus isaga saareen in natiijooyin muuqdo laga gaaro dagaalka ka dhanka argagixisada.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo geeddi socodka dimuquraadiyeynta dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
JOWHAR – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo Hoggaanka dhaqanka deegaanka, kuwaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan deegaanada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta iyo sugidda amniga ayaa ku bogaadiyay sida ay mas’uuliyadda culus isaga saareen in natiijooyin muuqdo laga gaaro dagaalka ka dhanka argagixisada, ilaalinta nabad-galyada iyo garab-istaagga bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howl galaan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha dhaqanka deegaaanada Hirshabeelle kala hadlay sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen hirgalinta doorashooyinka loo dhanyahay ee dhowaan ka qabsoomaya deegaanka, xoojinta geeddi socodka dimuquraadiyeynta dalka iyo adkeynta dowladnimada, isaga oo ku amaanay doorkooda wax ku oolka ah ee hoggaanka dhaqanka deegaanku ku leeyihiin nabadda, horumarka, midnimada iyo dhismaha dowladnimada.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kormeeray Xarunta Golaha Wakiilada Hirshabeelle, iyadoo uu gabogabo marayo dhismaha xarunta Golaha Wakiilada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.