Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay salaadda Janaasada Imaam Maxamed
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qaybgalay… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qaybgalay salaadda Janaasada Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo dhowaan geeriyooday dalka Hindiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in marxuumku uu door muuqda ku lahaa dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada, xoojinta dowladnimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya, isaga oo xusay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed xusuusan doonto.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah tiiraanyada iyo dareenka tacsida ula wadaagay ehellada marxuumka, isaga oo Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna uu kasiiyo ehelkii, qaraabadii, dhaqanka soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
PUNTLAND POST
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.