Madaxweyne Xasan Sheekh oo mashaariic daah-furay Caasimadda HirShabeelle
MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo uu ka daah-furay mashaariic horumarineed iyo xarumo dowladeed oo muhiim u ah horumarka deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayey Madaxweynaha D

Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay mashaariic horumarineed iyo xarumo dowladeed oo ku yaal Jowhar, caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin iyo shacabka magaalada Jowhar.
- Wuxuu daah-furay qasriga madaxtooyada cusub iyo dhismayaasha wasaaradaha.
- Mashaariicdan waxay ujeedadoodu tahay in la xoojiyo adeegyada dowladda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
- Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda mashaariicdan ee bulshada deegaanka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid xisbiyada mucaaradka ama dhaleeceeyayaasha.
- Faahfaahinta ku saabsan miisaaniyadda iyo waqtiga gaarka ah ee mashaariicda lama sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Daah-furka mashaariicdan wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo maamulka iyo kaabeyaasha Hirshabeelle.
Waxa weli aan caddayn
- Immisa miisaaniyad ah ayaa loo qoondeeyey mashaariicdan?
- Sidee bulshada deegaanka loogu dari doonaa hirgelinta mashaariicdan?
- Maxay yihiin natiijooyinka la filayo iyo waqtiga dhamaystirka mashaariicdan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo uu ka daah-furay mashaariic horumarineed iyo xarumo dowladeed oo muhiim u ah horumarka deegaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa xarigga ka jaray Qasriga Madaxtooyada Hirshabeelle oo si casri ah loo dhisay, dhismayaasha Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyadda iyo sidoo kale waddooyin laami ah oo kor u qaadaya bilicda iyo isku socodka magaalada.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hirgelinta mashaariicdan ay ka tarjumeyso dadaallada madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadidda adeegyada ay helaan shacabku.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Hirshabeelle iyo xarumo kale oo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona tayeynta maamulka, hufnaanta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.