Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir ku casuumay dhinacyada mucaaradka iyo…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhinacyada mucaaradka iyo dalladda bulshada rayidka si ay uga qayb galaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad u diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran, iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026.
- Sida ay caddeysay Madaxtooyadu kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashada dalka, iyado oo sidoo kale caddeysay in muhiimadu tahay in la muujiyo niyad wanaag iyo isu-tanaasul.
- “Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is-afgarad iyo isu-tanaasul,” ayaa lasii raaciyay.
- Bayaankan ayaa daba socda khudbad uu xalay Madaxweynaha u jeediyay shacabka, taas oo uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, guulaha laga gaaray amniga, horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin arrimaha doorashooyinka gaarka ah ee lagu wada hadli doono?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is-afgarad iyo isu-tanaasul.
- Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu diyaar u tahay wada-hadal.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bayaan soo saaray ayaa gogol u fidiyay dhinacyada mucaaradka iyo dalladda bulshada rayidka, si looga wada-hadlo xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka taagan.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu casuumaad u diray Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran, iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyey Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran, iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga soo qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sida ay caddeysay Madaxtooyadu kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashada dalka, iyado oo sidoo kale caddeysay in muhiimadu tahay in la muujiyo niyad wanaag iyo isu-tanaasul.
“Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is-afgarad iyo isu-tanaasul,” ayaa lasii raaciyay.
Bayaankan ayaa daba socda khudbad uu xalay Madaxweynaha u jeediyay shacabka, taas oo uu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, guulaha laga gaaray amniga, horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka.
Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu diyaar u tahay wada-hadal iyo in la dhageysto aragtiyada kala duwan ee laga qabo xaaladda dalka.
Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadallada siyaasadeed iyo is-afgaradka qaranka, isagoo xusay in wada-hadalku yahay hannaan joogto ah oo loo baahan yahay in la sii wado, iyadoo la eegayo duruufaha siyaasadeed ee dalka.
Gogosha uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaaneysa xilli ay weli taagan tahay kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, iyadoo ay horay u fashilmeen wada-hadallo muddo dheer soo socday oo ay labada dhinac yeesheen, taas oo sii xoojisay khilaafka ka taagan dalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhinacyada mucaaradka iyo dalladda bulshada rayidka si ay uga qayb galaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026. Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka iyo in la muujiyo niyad wanaag iyo isu-tanaasul.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhinacyada mucaaradka iyo dalladda bulshada rayidka si ay uga qayb galaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026.
- Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is-afgarad iyo isu-tanaasul.
- Xasan Sheekh oo soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu diyaar u tahay wada-hadal.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada mucaaradka ee ku aaddan casuumaadda.
- Eedeymaha ku saabsan ujeeddooyinka gogosha waxay ku saleysan yihiin bayaanno ka soo baxay Madaxweynaha.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan muhiimadda ama natiijooyinka suurtagalka ah ee gogosha lama bixiyo.
Gunaanadka akhristaha
Casuumaadda Madaxweynaha ee wada-hadalka waxay muujinaysaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin arrimaha doorashooyinka gaarka ah ee lagu wada hadli doono?
- Sidee ayay dhinacyada mucaaradka uga jawaabi doonaan casuumaadda?
- Maxay yihiin tallaabooyinka la qaadi doono si loo hubiyo in gogoshani ay wax ku ool tahay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mucaaradka · dhinacyada · sheekh
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir wadatashi ugu yeeray Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka
Puntland Post
- Fahad Yaasiin oo si la yaableh uga fal-celiyay khudbaddii Xasan Sheekh
Caasimada Online
- Xasan Sheekh iyo Islaan Ciise oo yeeshay wada-hadallo xasaasi ah oo ku saabsan dhacdadii…
Caasimada Online