Madaxweynihii Hore Sheekh hariif Sheekh Axmed oo Oggolaaday Dadaallada Xalraadinta Xiisadda Muqdisho
Muqdisho (WDN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa oggolaaday in uu ka guuro hoygii uu dhawaan ka degay deegaanka Mirinaayo ee Muqdisho, isagoo dib ugu laabanaya gurigiisii hore ee agagaarka garoonka diyaaradaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dejinta xiisaddii siyaasaddeed iyo amni ee ka taagnayd caasimadda. Go’aankan ayaa yimid... The post Madaxweynihii Hor

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa oggolaaday inuu ka guuro hoygiisii Mirinaayo, isagoo dib ugu laabanaya gurigiisii hore ee agagaarka garoonka diyaaradaha.
Maxaa la shaaciyey
- Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay hoygiisa oo u dhow Garoonka Aadan Cadde.
- Dadaallo dhexdhexaadin ah ayaa ka dhacay, oo ay hoggaaminayeen odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin.
- Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho ayaa loo arkaa inay yareyn karto ka bixitaanka Mirinaayo.
Macnaha guud
Dadaallo dhexdhexaadin ah ayaa ka socda Muqdisho si loo dejiyo xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan caasimadda.
“Odayaasha ayaa ku booriyay Sheekh Shariif inuu mudnaanta siiyo xasilloonida Muqdisho kana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta dagaal hubeysan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Dad badan oo Soomaaliyeed waxay arrintan u arkaan tusaalle muujinaya in wada-hadalka, iyo dhexdhexaadinta dhaqanka ay weli yihiin waddooyinka ugu muhiimsan ee lagu ilaalin karo midnimada iyo nabadda dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (WDN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa oggolaaday in uu ka guuro hoygii uu dhawaan ka degay deegaanka Mirinaayo ee Muqdisho, isagoo dib ugu laabanaya gurigiisii hore ee agagaarka garoonka diyaaradaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dejinta xiisaddii siyaasaddeed iyo amni ee ka taagnayd caasimadda.
Go’aankan ayaa yimid kadib dadaallo dhexdhexaadin oo ay hoggaaminayeen odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka shaqeynayay in khilaafku uusan isu beddelin iska horimaad ballaaran.
Wali wax tanaasul ah kama soo bixin dhinaca Xasan Sheekh, iada oo is-afgaradka la soo jeediyay u muuqdo mid culayskiisu saaran yahay dhinaca mucaaradka, halka Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo isbeddelladiisa doorasho iyo dastuur oo hal dhinac ah arrin aan horseedi karin xal siyaasadeed oo waara, balse noqon karta xal ku meel gaar ah oo lagu qaboojiyo xiisadda degdegga ah.
Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo dhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo odayaal dhaqameed uu door weyn ka qaatay dejinta xiisadda Mirinaayo. Odayaasha ayaa ku booriyay Sheekh Shariif inuu mudnaanta siiyo xasilloonida Muqdisho kana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta dagaal hubeysan. Waxaa la filayaa in Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay hoygiisa oo u dhow Garoonka Aadan Cadde.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wardheer News
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.