Mareykanka oo $5 milyan ku raadinaya gabar Soomaali ah
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin gaareysa illaa $5 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta xog ku saabsan Khadra Essa, oo ah haweeney Soomaali ah oo haysata dhalashada Netherlands, taas oo Washington ku eedeysay inay door sare ku…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin gaareysa illaa $5 milyan oo la siinayo cid kasta oo keenta xog ku saabsan Khadra Essa, oo ah haweeney Soomaali ah oo haysata dhalashada Netherlands, taas oo Washington ku eedeysay inay door sare ku lahayd koox haween ah oo ka tirsanaa ururka Daacish ee ka dagaallamay Suuriya.
Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Khadra Essa, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, ay ahayd macallimaddii ugu sarreysay ee shareecada ee Nusaybah Katibah, oo ahayd guuto haween ah oo Daacish ka tirsan.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Khadra waxay Suuriya u safartay sanadkii 2014 si ay ugu biirto ISIS, waxaana halkaas lagu tababaray hubka, walxaha qarxa iyo weerarrada ismiidaaminta ah.
Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale ku eedeeyay inay si joogto ah u dhiirrigelin jirtay rabshadaha, xubnaha Daacish-na ku boorrin jirtay inay weerarro ka fuliyaan dalal kala duwan.
Waxaa kale oo lagu eedeeyay inay baraysay fikrado xagjir ah oo lagu marmarsiyoon jiray weerarrada ismiidaaminta iyo dilka dadka rayidka ah, isla markaana ay ururka u qori jirtay xubno cusub.
Guuto haween ah
Nusaybah Katibah, oo sidoo kale loo yaqaan ISIS-NK, ayaa sanadkii 2016 laga aas-aasay magaalada Raqqa ee Suuriya, si loo ururiyo loona tababaro haweenka dagaalyahannada ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in guutadan ay xilligii ay ugu xoogga badneyd lahayd boqolaal haween ah oo tababaran, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin Mareykan iyo Yurub u dhashay.
Inkastoo tiradeedu hoos u dhacday kadib markii Daacish laga qabsaday dhulkii ballaarnaa ee ay ka talin jirtay Suuriya iyo Ciraaq, haddana Washington waxay sheegtay in unuggan uu weli firfircoon yahay.
Khadra Essa ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay hoggaamin jirtay koox si xoog ah ugu fulisa haweenka xeerarkii Daacish. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inay bixisay amarro sababay ciqaabo jireed, oo ay ku jireen garaacis iyo dilal.
Warbixinta Rewards for Justice ma sheegin da’da Khadra ama halka ay hadda ku sugan tahay, balse Suuriya ayay ku xustay goobta la xiriirta kiiskeeda.
Carruur Mareykan ah oo la waayay
Mareykanka ayaa sidoo kale Khadra Essa ku xiriiriyay maqnaanshaha laba carruur ah oo Mareykan ah, Yusuf iyo Zahra Shikder.
Sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Mareykanka, hooyada carruurta ayaa sanadkii 2015 u kaxeysay Suuriya iyadoo aan oggolaansho ka haysan aabbahood, si ay ugu biirto Daacish.
Kadib markii hooyadood ay ku dhimatay duqeyn militari oo lagu qaaday Daacish sanadkii 2019, Khadra ayaa lagu eedeeyay inay carruurta la wareegtay, kadibna geysay meel aan la ogeyn oo Suuriya ku taalla.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Khadra lagu ogaa inay gacanta ku haysay carruur kale oo la afduubtay ama la kaxeystay.
Rewards for Justice ayaa si gaar ah u bixineysa abaalmarin gaareysa illaa $5 milyan oo lagu helayo xog horseedda in la helo, dib loo soo celiyo ama la soo badbaadiyo Yusuf iyo Zahra.
Barnaamijka Rewards for Justice waxaa la aas-aasay sanadkii 1984, waxaana maamula Waaxda Amniga Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Barnaamijku wuxuu abaalmarin lacageed ku bixiyaa xog ka caawin karta Mareykanka inuu aqoonsado ama helo dadka lagu raadinayo arrimaha argagixisada, ka hortago weerarro ama carqaladeeyo maalgelinta kooxaha argagixisada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mareykanka · milyan · soomaali
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada