Mareykanka oo digniin kasoo saaray Doolow – Maxaa soo kordhay?
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiDowladda Mareykanka ayaa digniin cusub oo amni ah u dirtay muwaadiniinteeda, iyadoo uga digtay inay u safraan aagga Doolow ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Warbixinta digniinta ayaa xustay in qaybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dhulka ku dhow xuduudda Soomaaliya loo arko goobo ay ka jirto khatar amni oo sare.
- Khataraha la tilmaamay waxaa kamid ah argagixiso, afduub iyo qalalaase amni.
- Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Itoobiya ama qorsheynaya inay u safraan dalkaasi ayaa iyagana lagu wargeliyay xannibaad gaar ah oo ku saabsan Doolow.
- Sida ay sheegtay Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa, shaqaalaha dowladda looma oggola inay tagaan aaggaasi haddii aysan haysan oggolaansho gaar ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku wargelisay inay ka fogaadaan Doolow sababo la xiriira khatar amni.
- Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Itoobiya looma oggola inay tagaan Doolow haddii aysan haysan oggolaansho gaar ah.
- Digniinta ayaa muujinaysa khataraha argagixiso, afduub, iyo qalalaase amni oo ka jira aagga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa digniin cusub oo dhinaca amniga ah u dirtay muwaadiniinteeda, iyadoo uga digtay inay u safraan aagga Doolow ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, sababo la xiriira walaac laga qabo xaaladda amni ee deegaanka.
Warbixinta digniinta ayaa xustay in qaybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dhulka ku dhow xuduudda Soomaaliya loo arko goobo ay ka jirto khatar amni oo sare.
Khataraha la tilmaamay waxaa kamid ah argagixiso, afduub iyo qalalaase amni.
Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Itoobiya ama qorsheynaya inay u safraan dalkaasi ayaa iyagana lagu wargeliyay xannibaad gaar ah oo ku saabsan Doolow.
Sida ay sheegtay Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa, shaqaalaha dowladda looma oggola inay tagaan aaggaasi haddii aysan haysan oggolaansho gaar ah.
Sidoo kale, digniinta ayaa muwaadiniinta Mareykanka kula talisay inay ka fogaadaan meelaha loo aqoonsaday inay khatartu ka jirto, ayna muujiyaan feejignaan dheeraad ah marka ay ku sugan yihiin ama u safrayaan deegaanada ku dhow xuduudda.
Inkasta oo Doolow si gaar ah loogu xusay digniinta, Safaaradda Mareykanka ma aysan shaacin faahfaahin ku saabsan khatarta gaarka ah ee keentay digniinta cusub. Sidoo kale, ma aysan magacaabin koox ama dhinac gaar ah oo ay la xiriirinsay xaaladda amni ee ay ka digtay.
Doolow iyo deegaanada ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muhiim u ah isku socodka labada dal, maadaama ay yihiin marinno ay isaga gudbaan dadka iyo gaadiidka.
Safaaradda ayaa ugu dambeyntiina muwaadiniinta Mareykanka ku boorisay inay si joogto ah ula socdaan xaaladda amni, ayna qaataan taxaddarrada lagama maarmaanka ah marka ay ku sugan yihiin ama u safrayaan deegaanada uu Mareykanku u aqoonsaday inay khatartu ka jirto.
Si kastaba, ilaa hadda ma jirto jawaab rasmi ah oo kasoo baxday dowladda Itoobiya ama maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ku aaddan digniinta ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · digniin · mareykanka · doolow
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada