Maxaa looga Hadlay Kulankii Golaha Wasiirrada XFS ee Maanta ?
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiGolaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, iyadoo lagu falanqeeyay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayUgu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood, kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
- Cidda ay saamaysayKulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa’iidooyinka lagu helay ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda go’an ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale.
- Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyadoo Goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qayb ka ah dadaallada Xukuumadda ee la xiriira fulinta Dastuurka Jamhuuriyadda oo maraya marxalado kala duwan.
- Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa warbixinta ku sheegtay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay dadkeenna u fududeysay arrimaha degenaanshaha, socdaalka iyo caafimaadka, waxa ayna intaas ku dartay in markii ugu horreysay Soomaaliya loo sameeyay qoondo shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si looga diyaar-garoobo cudurka Ebola?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah.
- Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
- Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyadoo Goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qayb ka ah dadaallada Xukuumadda ee la xiriira fulinta Dastuurka Jamhuuriyadda oo maraya marxalado kala duwan.
Kulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa’iidooyinka lagu helay ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda go’an ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale. Sidoo kale, ganacsatada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ay fursad u heleen in aan lala tiigsan xeerar cusub oo dalalka qaar ku mamnuuceen ajaaniibta.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa warbixinta ku sheegtay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay dadkeenna u fududeysay arrimaha degenaanshaha, socdaalka iyo caafimaadka, waxa ayna intaas ku dartay in markii ugu horreysay Soomaaliya loo sameeyay qoondo shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka. Warbixinta kadib, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban 6 Wasaaradood oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), oo soo socday muddo 10 sano ah, kaas oo maraya meel gebogebo ah, Soomaaliyana ay dhammaystireyso dhammaan shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid tahay jaangoynta tariifooyinka badeecadaha dibedda ka yimaadda iyo dhismaha hay’ado maamul.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo hawlaha Xukuumadda DanQaran horyaalla ee mudnaanta u leh iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaranka, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda ee sanadkan, gaar ahaan adeegyada la doonayo in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood, kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, iyadoo lagu falanqeeyay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah.
- Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
- Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola.
- Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku ma caddeynayo natiijooyinka doodaha ka dib marka laga reebo waxa la sheegay.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka ayaa diiradda saaray arrimo muhiim ah oo saameynaya Soomaaliya, oo ay ku jiraan caafimaadka iyo maamulka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si looga diyaar-garoobo cudurka Ebola?
- Waa maxay faahfaahinta warbixinada ku saabsan doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle?
- Sidee bay ku biirista Bulshada Bariga Afrika u saameyn doontaa muwaadiniinta Soomaaliyeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wasiirrada · golaha · kulankii