Mareykanka oo u digay Xasan iyo mucaaradka xilli ay kasii dareyso xiisadda
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland inay uga sii daraan xiisadda taagan. Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga digay rabshado iyo wax kasta oo xasillooni-darro abuuri kara oo ka dhex dhalan kara […] The pos

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ay qeyb ka yihiin madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland inay uga sii daraan xiisadda taagan.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa looga digay rabshado iyo wax kasta oo xasillooni-darro abuuri kara oo ka dhex dhalan kara dowladda federaalka iyo mucaaradka. Si arrimahaas looga baaqsado ayaa ayey sheegtay safaaraddu in loo baahan yahay wada-hadal.
Sidoo kale, Mareykanka ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara rabshado ama xasillooni-darro.
“Waxaan saamilayda siyaasadda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay is-xakameeyaan, kana fogaadaan tallaabo kasta oo hurin karta rabshado ama xasillooni-darro. Waxaana ugu baaqeynaa wada-hadal,” ayay safaaraddu ku tiri qoraalkeeda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.