Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Masar oo Soomaaliya ugu hambalyeysay sannad-guurada 1-da Luulyo
Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Madaxtooyada Masar, Axmed Ridha, oo uu ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ugu diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luul
Danjiraha Soomaaliya ee Masar, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta qaabilay Xoghayaha Madaxtooyada Masar, Axmed Ridha, si uu u gudbiyo dhambaal hambalyo ah oo ka yimid Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, munaasabadda 1-da Luulyo.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweynaha Masar ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo.
- Danjiraha Soomaaliya ayaa sidoo kale u gudbiyay salaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku aaddan 13-aad ee Kacaanka 30-ka Juun.
- Danjiraha ayaa adkeeyay muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
“Dhambaalka Madaxweynaha Masar ayaa lagu muujiyay hambalyo ku aaddan sannad-guurada maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo sida ay labada dal u wada shaqeeyaan.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Qaahira – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Cali Cabdi Awaare, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Madaxtooyada Masar, Axmed Ridha, oo uu ka guddoomay dhambaal hambalyo ah oo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ugu diray Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo.
Dhambaalka Madaxweynaha Masar ayaa lagu muujiyay hambalyo ku aaddan sannad-guurada maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Dhanka kale, Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa Xoghayaha Madaxtooyada Masar u gudbiyay salaan iyo hambalyo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u diray Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, iyo shacabka Masar, munaasabadda 13-aad ee Kacaanka 30-ka Juun.
Safiirka Soomaaliya ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo xusay in labada dal ay ka go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.