Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug oo ka horyimid safarka Deni ee Dhinowda.
Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa walaac ka muujiyay safarka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku tagay degmada Dhinowda ee gobolka Mudug. Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in booqashada Deni ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah, ayna ka dhalan karto xiisad siyaasadeed iyo mid amni […] The post Mas’uuliyii

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Arbaco 26 Aug 2026 {HMC} Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa walaac ka muujiyay safarka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku tagay degmada Dhinowda ee gobolka Mudug.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in booqashada Deni ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah, ayna ka dhalan karto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhex abuuranta deegaannada ay wada degaan bulshada Galmudug iyo Puntland.
Waxay ku doodeen in Dhinowda ay ka tirsan tahay Galmudug, iyagoo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu booqasho ku tagay deegaankaas isaga oo aan oggolaansho ama is-afgarad kala haysan maamulka Galmudug.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in tallaabada Deni ay ka duwan tahay dadaalladii hore ee lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadaha ka jira gobolka Mudug, gaar ahaan colaadaha u dhexeeya bulshada ku nool labada dhinac ee Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.