Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La kulmay Safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya.
Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Dalkeena Danjire Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, waxaana safiirka ugu horreyn uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey xilka Guddoom

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Talaado 25 Aug 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Dalkeena Danjire Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle, waxaana safiirka ugu horreyn uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey xilka Guddoomiyaha Golaha, wuxuuna Alle uga baryey inuu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo doortay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinya iyo dardargelinta xiriirka laba dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Jabuuti.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti uga mahadceliyey kaalintii walaaltinimo ee ay ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed iyo sidoo kale garab istaageeda dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo La kulmay Safiirka Jabuuti u fadhiyo Soomaaliya. appeared first on HMC Somalia News .
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.