Maxaa ka jira in Xisbiga Farmaajo uu ka qayb-galay kulamo ay yeesheen mucaaradka?
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMuqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa beeniyay inuu ka qayb-galay kulamo ay soo qaban qaabiyeen ururrada kale ee mucaaradka, kadib war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Nabad iyo Nolol ayaa sheegtay in aysan jirin wax kulan ah oo ka xisbi ahaan ay uga qayb-galeen magaalada Muqdisho oo haatan ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo gooni gooni ah.
- “Xisbiga Nabad iyo Nolol waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa inaysan jirin wararka been abuurka ah ee sheegaya in Xisbigu uu ka qaybgalay kulan wadajir ah oo ay ku weheliyeen ururro kale oo mucaarad ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Nabad iyo Nolol.
- Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynihii hore ee dalka uu si gooni ah ula kulmay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo ku booqday gurigiisa, kuwaas oo gaarsiiyay farriin ay ka sideen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku aadan gogosha uu dhigay.
- “Waxaa Madaxweynihii 9-aad Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoygiisa kusoo booqday Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ka siday farriin ku aaddan shirka uu iclaamiyey ee 14-ka ilaa 18-ka bishan,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Nabad iyo Nolol ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa beeniyay inuu ka qayb-galay kulamo ay soo qaban qaabiyeen ururrada kale ee mucaaradka, kadib war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga.
Nabad iyo Nolol ayaa sheegtay in aysan jirin wax kulan ah oo ka xisbi ahaan ay uga qayb-galeen magaalada Muqdisho oo haatan ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo gooni gooni ah.
“Xisbiga Nabad iyo Nolol waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa inaysan jirin wararka been abuurka ah ee sheegaya in Xisbigu uu ka qaybgalay kulan wadajir ah oo ay ku weheliyeen ururro kale oo mucaarad ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Nabad iyo Nolol.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Madaxweynihii hore ee dalka uu si gooni ah ula kulmay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo ku booqday gurigiisa, kuwaas oo gaarsiiyay farriin ay ka sideen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku aadan gogosha uu dhigay.
“Waxaa Madaxweynihii 9-aad Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoygiisa kusoo booqday Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud ka siday farriin ku aaddan shirka uu iclaamiyey ee 14-ka ilaa 18-ka bishan,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.
Dhankiisa Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa taliyeyaasha ciidamada la wadaagay inay gaarsiiyaan Madaxweynaha Soomaaliya in loo baahan yahay kalsooni uu shirka ku qabsoomo, uuna noqdo mid loo dhan yahay, dadaallada iyo doorka beesha caalamka oo gogosha hore u dhigtayna la wada ixtiraamo, lagana sii wado wadahadallada meeshii looga tegey saddaxdii bishii Sabteembar, si shirkaasi u noqdo mid guul ku dhammaada.
Arrintan ayaa muujineyso in Farmaajo uu u dabcay Villa Soomaaliya, uuna ka qayb-galayo shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha ee loo hadli doono arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xisbiga · farmaajo · qayb
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada