Maxaa ku qoran warqadda Golaha Mustaqbalka u direen Golaha Ammaanka?
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa mar kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay warqad ay walaac xooggan kaga muujinayaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyaga oo dalbaday qiimeyn madax-bannaan, xal siyaasadeed oo loo dhan…

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online ) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa mar kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay warqad ay walaac xooggan kaga muujinayaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyaga oo dalbaday qiimeyn madax-bannaan, xal siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo dhexdhexaadin caalami ah.
Warqadda ayaa lagu soo qaaday arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin is-mariwaaga ka taagan doorashooyinka, arrimaha dastuurka, amniga, nidaamka federaalka, barakaca iyo duqeyntii ka dhacday guriga Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ee degmada Doolow.
Ugu horreyn golaha ayaa nasiib-darro ah ku tilmaamay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen inay hor istaageen howlaha Midowga Afrika iyo ergada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaas oo ah inay bixiyaan qiimeyn madax-bannaan oo ku saabsan horumarka siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad khatar ah oo ay isku mar jiraan dhibaatooyin dastuur, amni iyo bani’aadannimo, iyada oo bayaanka lagu yiri “Waxaan fursaddan uga faa’iideysaneynaa inaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si toos ah ugu wargelinno arrimaha walaaca leh ee ka jira gudaha daka”.
Waxaa kale oo intaas lasii raaciyay “Muddadii Baarlamaanka Federaalka waxay dhacday 14-kii Abriil 2026, halka muddadii madaxweynuhuna ay dhammaatay 15-kii May 2026, taasoo maamulka federaalka ka dhigtay inuusan haysan waajibaad dastuuri ah oo sax ah”.
Sidoo kale, golaha ayaa soo hadal qaaday arrimaha federaalka, gaar ahaan dagaalladii ka dhacay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ay isku wajaheen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulladaasi, waxayna eedda ugu wayn dhabarka u saareen hoggaanka Villa Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka ayaa ka dalbay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qabto kulan rasmi ah oo looga hadlo xaaladda dastuuriga ah iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo warbixinno laga dhageysanayo wakiillo ka socda Xoghayaha Guud, Guddiga Midowga Afrika iyo IGAD. “Kulankaasi waa inuu dhacaa ka hor inta uusan dhammaan waajibaadka UNTMIS 31-ka Oktoobar 2026 iyo doodaha ku saabsan waajibaadka AUSSOM, ka hor inta aan la gaarin go’aan ku saabsan in dib loo cusboonaysiiyo waajibaadka hadda jira,” ayaa lagu yiri warqadda.
Waxaa kale oo ay Golaha Ammaanka ka codsadeen in la taageero xal siyaasadeed oo degdeg ah, lana sameeyo qaab doorasho oo loo dhan yahay oo la fulin karo, maadaama muddo-xileedyada Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyadu dhammaadeen.
Dhanka kale, waxay soo jeediyeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo duqeyntii ka dhacday Doolow 3-dii September, taas oo lagu beegsaday guriga Taliye Shub. Waxay sheegeen in dhacdaddu walaac weyn ku abuurtay Soomaalida, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto xasilloonida siyaasadda Soomaaliya iyo gobolka.
Ugu dambeyn waxaa qoraalka looga hadlay arrinta barakaca Muqdisho, iyadoo golugu ka codsaday Golaha Ammaanka inuu si gaar ah u tixgeliyo dadka ku barakacay gudaha, iyadoo la hubinayo in arrinta barakacayaashu ka muuqato qiimeynta iyo qorsheynta UN-ka, isla markaana gargaarka bani’aadantinimo laga ilaaliyo khilaafka siyaasadeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mustaqbalka · golaha · ammaanka