Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Maxay salka ku haysaa ciidamada laga qorayo Puntland?
Puntland ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ciidamada federaalka ee laga qorayo deegaannadeeda ay salka ku hayso ololaha doorasho soo… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Puntland ayaa markii ugu horreysay sheegtay in ciidamada federaalka ee laga qorayo deegaannadeeda ay salka ku hayso ololaha doorasho soo socota ee Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka amniga Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo arrintan ka hadlay ayaa tilmaamay in ciidamada ay qorayaan shakhsiyaad xildhibaano iyo wasiiro ah oo doonayo in ay ka mid noqdaan xildhibaannada soo socda ee federaalka.
Wasiir Dujaana oo hadalkan ka jeediyay deegaanka Gacnafale ee gobolka Mudug wuxuu sheegay in shakhsiyaadkaas ay beelahooda ka qoreen ciidamo ay isku muujinayaan, si buu yiri ay qorshaha doorasho ee Villa Somalia uga hirgeliyaan deegaannada ay ka soo jeedaan.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa deegaannada Puntland lagu soo bandhigay ciidamo beeleedyo la sheegay in ay ku biireen dowladda federaalka, arrintaas oo ku soo aaday, xilli Soomaaliya uu ka taagan tahay is-mariwaa siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.