Maxay Soomaalida uga Dhigantahay Doorashada Axmed Shide ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Itoobiya?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiAxmed Shide ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Itoobiya, taas oo si weyn loogu soo dhoweeyay bulshada Soomaalida.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Doorashada Axmed Shide ayaa waxaa si gaar ah u soo dhoweeyay bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu kasoo jeedo deegaanka Soomaalida, isla markaana uu muddo dheer ku jiray siyaasadda iyo maamulka heer gobol iyo heer federaal.
- Xilkan cusub wuxuu ka dhigayaa inuu hoggaamiyo aqalka hoose ee baarlamaanka Itoobiya, oo ah hay’adda ugu weyn ee sharci-dejinta dalkaas.
- Axmed Shide wuxuu siyaasadda Itoobiya kasoo dhex muuqday muddo dheer, ayadoo Kahor inta uusan gaarin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, uu soo qabtay xilal kala duwan oo dowladda federaalka ah iyo maamulka deegaanka Soomaalida ah.
- Waxa uu sidoo kale xildhibaan ka ahaa Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, isagoo matalayay deegaanka Soomaalida.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Axmed Shide qorsheynayo inuu hirgeliyo marka uu noqdo Guddoomiye?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Axmed Shide ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Itoobiya.
- Axmed Shide wuxuu siyaasadda Itoobiya kasoo dhex muuqday muddo dheer, ayadoo Kahor inta uusan gaarin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, uu soo qabtay xilal kala duwan oo dowladda federaalka ah iyo maamulka deegaanka Soomaalida ah.
- Sanadkii 2018 ayuu noqday Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, xilkaas oo uu hayay muddo ku dhow siddeed sano.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Axmed Shide, oo ah siyaasi Soomaali ah oo muddo dheer kasoo shaqeynayay dowladda federaalka Itoobiya, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Itoobiya, kadib markii la daah-furay Baarlamaanka cusub ee dalka.
Doorashada Axmed Shide ayaa waxaa si gaar ah u soo dhoweeyay bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu kasoo jeedo deegaanka Soomaalida, isla markaana uu muddo dheer ku jiray siyaasadda iyo maamulka heer gobol iyo heer federaal.
Xilkan cusub wuxuu ka dhigayaa inuu hoggaamiyo aqalka hoose ee baarlamaanka Itoobiya, oo ah hay’adda ugu weyn ee sharci-dejinta dalkaas.
Axmed Shide wuxuu siyaasadda Itoobiya kasoo dhex muuqday muddo dheer, ayadoo Kahor inta uusan gaarin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, uu soo qabtay xilal kala duwan oo dowladda federaalka ah iyo maamulka deegaanka Soomaalida ah.
Waxa uu sidoo kale xildhibaan ka ahaa Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, isagoo matalayay deegaanka Soomaalida.
Sanadkii 2018 ayuu noqday Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, xilkaas oo uu hayay muddo ku dhow siddeed sano, ayadoo Intii uu wasaaradda hoggaaminayay, uu door muuqda ku lahaa siyaasadaha dhaqaalaha, maaliyadda iyo dib-u-habaynta dhaqaale ee dalka.
Khibraddaas ayaa ka dhigtay mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer kasoo dhex muuqday dowladda federaalka Itoobiya.
Axmed Shide wuxuu sidoo kale leeyahay waxbarasho dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo maamulka ah, wuxuuna bartay dhaqaalaha, isagoo shahaadada koowaad ka qaatay Ethiopian Civil Service College, halka uu shahaadada Master-ka ee Participation, Development and Social Change ka qaatay University of Sussex ee dalka Ingiriiska
,Waxa uuu sidoo kale haystaa Master of Business Administration, MBA.
In qof kasoo jeeda bulshada Soomaalida loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya waxay leedahay muhiimad siyaasadeed oo gaar ah
Golaha uu hadda hoggaaminayo ayaa door muhiim ah ku leh samaynta sharciyada dalka, ansixinta siyaasadaha dowladda iyo la socodka howlaha hay’adaha federaalka.
Doorashada Axmed Shide waxay sidoo kale muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay ka-qaybgalka siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka Soomaalida ee hay’adaha federaalka Itoobiya.
Inkastoo xilka uu hayo uu yahay xil federaal oo Itoobiyaan ah, haddana asal ahaan Soomaali ayuu kasoo jeedaa, taasina waxay ka dhigeysaa doorashadiisa arrin si weyn looga dareemo gudaha bulshada Soomaalida Deegaanka iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Baarlamaanka cusub ee Itoobiya ayaa 5-ta Oktoobar 2026 si rasmi ah u bilaabay xilligiisa cusub, iyadoo dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo cusub kadib doorashadii guud.
Axmed Shide ayaa hadda wajihi doona mas’uuliyad ka duwan tii uu ku lahaa Wasaaradda Maaliyadda, waxaana shaqadiisa cusub ay ku saabsan tahay hoggaaminta fadhiyada baarlamaanka, isku-dubbaridka howlaha Golaha Wakiillada Shacabka iyo ilaalinta habsami-u-socodka shaqada sharci-dejinta.
Si kastaba ha ahaatee Axmed Shde doorashadiisu waxay noqonaysaa dhacdo si gaar ah uga dhex muuqata taariikhda siyaasadeed ee Soomaalida deegaanka, iyadoo qof kasoo jeeda bulshada Soomaalida uu hadda hoggaaminayo mid ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka Itoobiya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Axmed Shide ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Itoobiya, taas oo si weyn loogu soo dhoweeyay bulshada Soomaalida.
Qodobada muhiimka ah
- Axmed Shide ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka ee Itoobiya.
- Axmed Shide wuxuu siyaasadda Itoobiya kasoo dhex muuqday muddo dheer, ayadoo Kahor inta uusan gaarin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, uu soo qabtay xilal kala duwan oo dowladda federaalka ah iyo maamulka deegaanka Soomaalida ah.
- Sanadkii 2018 ayuu noqday Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, xilkaas oo uu hayay muddo ku dhow siddeed sano.
- In qof kasoo jeeda bulshada Soomaalida loo doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya waxay leedahay muhiimad siyaasadeed oo gaar ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha mas'uuliyiinta kale ama xisbiyada kale ee ku saabsan doorashada Axmed Shide.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda doorashadiisa bulshada Soomaalida ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin dibadda ah oo ku saabsan xilalka ama guulaha hore ee Axmed Shide.
Gunaanadka akhristaha
Doorashada Axmed Shide sidii Guddoomiye waa dhacdo muhiim ah oo loogu talagalay bulshada Soomaalida ee Itoobiya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Axmed Shide qorsheynayo inuu hirgeliyo marka uu noqdo Guddoomiye?
- Sidee doorashadiisa u saameyn doontaa xiriirka u dhexeeya deegaanka Soomaalida iyo dowladda federaalka?
- Maxay yihiin jawaabaha ka imanaya kooxaha kale ee qowmiyadaha Itoobiya ee ku saabsan doorashadiisa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shide · guddoomiyaha · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada