Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay natiijada doorashada HirShabelle
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka HirShabeelle.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayNatiijada la ansixiyay ayaa muujineysa in ururka Caddaalad iyo Midnimadda Tiir uu ku guuleystay 759 cod iyo hal kursi, halka Madalsan uu isna helay 911 cod iyo hal kursi.
- Go’aankan oo ku taariikhaysan 19-ka October 2026 ayaa soo baxay kadib markii maxkamaddu dib u eegtay dukumentiyada iyo habraacyada la xiriira codsiga ansixinta natiijada doorashada Golaha Wakiillada HirShabeelle.
- Maxkamaddu waxay sheegtay inaan wax dacwad ah laga soo gudbin natiijada doorashada oo qabsoontay 30-kii September 2026, iyadoo la raacayo qodobka 73-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Sharci Lr. 28 ee soo baxay 23-kii November 2024.
- Sida ay maxkamaddu tilmaantay, saldhigga sharci ee go’aanka waa qodobka 7-aad, faqraddiisa koowaad, xarafka (F) ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday si loo hubiyo in doorashadu si cadaalad ah u dhacday?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Natiijada doorashada waxaa markii hore si KMG ah ugu dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
- Doorashada ayaa qabsoontay 30-kii September 2026, iyadoo tirada guud ee codadka la dhiibtay ay gaartay 114,633.
- Natiijada la ansixiyay ayaa muujineysa in ururka Caddaalad iyo Midnimadda Tiir uu ku guuleystay 88,130 cod iyo 78 kursi.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka HirShabeelle, taas oo uu markii hore si KMG ah ugu dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Go’aankan oo ku taariikhaysan 19-ka October 2026 ayaa soo baxay kadib markii maxkamaddu dib u eegtay dukumentiyada iyo habraacyada la xiriira codsiga ansixinta natiijada doorashada Golaha Wakiillada HirShabeelle.
Maxkamaddu waxay sheegtay inaan wax dacwad ah laga soo gudbin natiijada doorashada oo qabsoontay 30-kii September 2026, iyadoo la raacayo qodobka 73-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Sharci Lr. 28 ee soo baxay 23-kii November 2024.
Sida ay maxkamaddu tilmaantay, saldhigga sharci ee go’aanka waa qodobka 7-aad, faqraddiisa koowaad, xarafka (F) ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka. Qodobkaasi wuxuu guddiga siinayaa awoodda ku dhawaaqista KMG ah ee natiijada doorashada, halka ansixinta kama dambaysta ahi ay u taallo Maxkamadda Sare.
Waxaa sidoo kale la hubiyay in codsiga guddigu waafaqsan yahay shuruudaha ku xusan qodobka 7/1-aad ee Habraaca Maxkamadda Sare ee Federaalka ee Ansixinta Natiijada Doorashada iyo ka Garnaqidda Durridda Doorashooyinka oo summaddiisu tahay MS/F/005/07/2026, taariikhduna tahay 28-kii Luulyo 2026.
Go’aanka waxaa sidoo kale saldhig looga dhigay qodobo kale oo sharciyeed oo ay ku jiraan qodobka 5/4-aad (A) ee Xeer Lr. 3, ee 12-kii Juun 1962, Xeerka Nidaamka Garsoorka, iyo qodobbada 10-aad, 11-aad iyo 13-aad ee Habraaca Maxkamadda Sare ee Federaalka.
Ugu dambayn, maxkamaddu waxay si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada HirShabeelle, iyadoo kaaliyaha sare ee maxkamadda ku amartay inuu go’aanka gaarsiiyo guddiga doorashooyinka, isla markaana la faafiyo si waafaqsan habraacyada sharciga ah.
Doorashada HirShabeelle ayaa ka qabsoomtay ka qabsoontay 10 degmo, iyadoo tartanka ay ka qayb galeen 13 urur siyaasadeed oo ku loollamay 99 kursi oo Golaha Wakiillada ah.
Tirada guud ee codadka la dhiibtay ayaa gaartay 114,633, waxaana guddigu sheegay in 112,451 kamid ah ay ahaayeen codad ansax ah, halka 2,182 cod loo aqoonsaday kuwo aan ansax ahayn.
Natiijada la ansixiyay ayaa muujineysa in ururka Caddaalad iyo Midnimadda Tiir uu ku guuleystay 759 cod iyo hal kursi, halka Madalsan uu isna helay 911 cod iyo hal kursi.
Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa helay 122 cod iyo hal kursi, halka Dimuqraadiga Soomaaliyeed uu ku guuleystay 2,368 cod iyo laba kursi.
Caddaaladda iyo Wadajir ayaa noqday ururka ugu codadka badan, isagoo helay 88,130 cod iyo 78 kursi halka Dadka Soomaaliyeed uu helay 113 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan.
Sidoo kale, Ururka Iftiin Qaran ayaa helay 6,165 cod iyo shan kursi, halka Karaama uu helay 6,875 cod iyo lix kursi.
Ururka Saab ayaa sidoo kale helay 120 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan, halka Dan Shacab uu isna helay 51 cod, mana helin wax kursi ah.
Ururka Sincad ayaa helay 3,701 cod iyo saddex kursi, halka Dhallinyarada Talo-Qaran ay heleen 97 cod, balse uusan wax kursi ah ku guuleysan. Ugu dambeyn Ururka Ramaas ayaa isna helay 1,939 cod iyo laba kursi.
Si kastaba, doorashadan ayaa qayb ka ah hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Soomaaliya, iyadoo guddiga uu sheegay in doorashooyinku ay u dhaceen si nabdoon oo xor ah, xilli hanaanka doorasho qof iyo cod ee guddiga waddo ay si weyn u dureen mucaaradka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka HirShabeelle.
Qodobada muhiimka ah
- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka HirShabeelle.
- Natiijada doorashada waxaa markii hore si KMG ah ugu dhawaaqay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
- Doorashada ayaa qabsoontay 30-kii September 2026, iyadoo tirada guud ee codadka la dhiibtay ay gaartay 114,633.
- Natiijada la ansixiyay ayaa muujineysa in ururka Caddaalad iyo Midnimadda Tiir uu ku guuleystay 88,130 cod iyo 78 kursi.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Eedeymaha ku saabsan natiijada doorashada waxay ku saleysan yihiin kaliya bayaanka maxkamadda.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan habka doorashada ama natiijada ma jirto.
Gunaanadka akhristaha
Ansixinta maxkamadda ee natiijada doorashada waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku saabsan habka doorashada HirShabeelle.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday si loo hubiyo in doorashadu si cadaalad ah u dhacday?
- Ma jiraan racfaan ama caqabado la filayo oo ku saabsan go'aanka maxkamadda?
- Maxay yihiin saameynta go'aankan ee doorashooyinka mustaqbalka ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · maxkamadda · natiijada · sare
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle
Goobjoog Somali
- Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay jadwalka doorashooyinka Hirshabeelle
Goobjoog Somali
- Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo wareegto ku soo saaray xilka uga qaaday guddoomiye ku xigeennadii maaliyadda, siyaasadda iyo amniga gobolka Hiiraan
Hiiraanweyn