Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Cudurka Ebola oo dib Dillaaca Bariga Congo iyo Uganda

ADDIS ABABA — Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay cudurka Ebola (EVD) oo mar kale ka dillaacay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda, iyadoo laga digayo khatarta sii kordheysa ee faafitaanka cudurka ee gobolka. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in xaaladdan ay tahay mid halis ah oo […]

SO
Sawir war oo la xiriira Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Cudurka Ebola oo dib Dillaaca Bariga Congo iyo Uganda
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay cudurka Ebola oo dib dillaacay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda.

Maxaa la shaaciyey

  1. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid halis ah oo u baahan iskaashi degdeg ah.
  2. Midowga Afrika ayaa ku ammaanay dowladaha Congo iyo Uganda dadaalkooda xakameynta faafitaanka cudurka.
  3. Midowga Afrika ayaa taageeraya dadaallada Africa CDC iyo Ururka Caafimaadka Adduunka.

Macnaha guud

Cudurka Ebola ayaa mar kale ka dillaacay Bariga Congo iyo Uganda, taasoo keentay walaac weyn.

Ilaalinta nolosha dadka Afrika ay tahay mudnaanta koowaad.

Mahmoud Ali Youssouf
Bariga Congo iyo Uganda
2026-05-19

Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha waxay u baahan yihiin inay ogaadaan khatarta cudurka Ebola iyo dadaallada ka hortagga ee gobolka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

ADDIS ABABA — Midowga Afrika ayaa walaac xooggan ka muujiyay cudurka Ebola (EVD) oo mar kale ka dillaacay dalalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda, iyadoo laga digayo khatarta sii kordheysa ee faafitaanka cudurka ee gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in xaaladdan ay tahay mid halis ah oo u baahan iskaashi degdeg ah oo heer gobol iyo heer caalami ah.

Waxa uu ku ammaanay dowladaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Uganda, iyo sidoo kale shaqaalaha caafimaadka safka hore, dadaalka ay ugu jiraan xakameynta faafitaanka cudurka.

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka ka hortagga ee ay wadaan dalalka dariska ah, gaar ahaan Koonfurta Suudaan, si looga hortago in cudurku ku fido xuduudaha gobolka.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralcongomidowgaafrika
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.