Milateriga Pakistan oo ku dhawaaqay difaacista Sacuudiga
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiMilateriga Pakistan ayaa ku dhawaaqay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacaan Sacuudiga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Afhayeenka milateriga Pakistan, Ahmed Sharif Chaudhry ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Arab News ku sheegay in Islamabad ay Sacuudiga ka taageereyso dhinacyada diblomaasiyadda iyo milatariga.
- “Waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo amniga labada Masjid ee barakaysan iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya,” ayuu yiri Ahmed Sharif Chaudhry.
- Hadalkan ayaa yimid kadib weerar lagu qaaday dhuunta shidaalka ee tagta dekedda Yanbu, kaas oo sababay hakad ku yimid shidaalka uu Sacuudiga dhoofiyo.
- Xuutiyiinta ayaa dhankooda sheegay in weerarrada ay qaadayaan ay jawaab u yihiin duqeymo ay Sacuudigu si joogto ah uga fuliyo cirka, halka Riyaad ay kooxda ku eedeysay inay weerar “fulaynimo ah” ku qaaday Makah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Afhayeenka milateriga Pakistan, Ahmed Sharif Chaudhry, ayaa sheegay in Islamabad ay taageerayso Sacuudiga dhinacyada diblomaasiyadda iyo milatariga.
- Weerarka lagu qaaday dhuunta shidaalka ee dekedda Yanbu ayaa sababay hakad ku yimid shidaalka uu Sacuudiga dhoofiyo.
- Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa heshiis difaac ah ku saxiixday 6-dii August.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Islamabad (Caasimada Online) – Milateriga Pakistan ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si uu u difaaco Sacuudiga, xilli xiisad amni ay ka jirto gobolka, isla markaana walaac laga muujinayo weerarro lagu beegsanayo boqortooyada.
Afhayeenka milateriga Pakistan, Ahmed Sharif Chaudhry ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Arab News ku sheegay in Islamabad ay Sacuudiga ka taageereyso dhinacyada diblomaasiyadda iyo milatariga.
“Waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo amniga labada Masjid ee barakaysan iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya,” ayuu yiri Ahmed Sharif Chaudhry.
Hadalkan ayaa yimid kadib weerar lagu qaaday dhuunta shidaalka ee tagta dekedda Yanbu, kaas oo sababay hakad ku yimid shidaalka uu Sacuudiga dhoofiyo.
Xuutiyiinta ayaa dhankooda sheegay in weerarrada ay qaadayaan ay jawaab u yihiin duqeymo ay Sacuudigu si joogto ah uga fuliyo cirka, halka Riyaad ay kooxda ku eedeysay inay weerar “fulaynimo ah” ku qaaday Makah. Xuutiyiinta ayaa beeniyay eedeynta ku saabsan weerarka Makah.
Weerarka la sheegay in lagu qaaday Makah ayaa dhaliyay falcelin xooggan, waxaana walaac ka muujiyay dalal badan oo Islaam ah, iyadoo indhaha lagu hayo xaaladda amni ee Sacuudiga iyo saameynta ay xiisadaha gobolka ku yeelan karaan goobaha barakaysan.
Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa 6-dii August kala saxiixday heshiis loogu magac daray “heshiiska difaaca Makah”, kaas oo ay ku caddeeyeen in weerar lagu qaado mid kamid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Pakistan ayaa haatan si cad u muujinaysa sida ay uga go’an tahay taageerada Sacuudiga, gaar ahaan ilaalinta amniga boqortooyada iyo labada Masjid ee barakaysan.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · milateriga · pakistan
Sii akhri
- {DAAWO SAWIRADA} ciidanka gaar ah ee Soomaaliya ee Tababarku uga socdo dalka Masar
Hiiraanweyn
- Ma lagu dhaliilayaa qoraa Soomaaliyeed oo kaliya sababtoo ah wuxuu qorey taariikh nololeed iyada oo aan ogolaansho ka helin qoyska?
Puntland Post
- Dalka uu jaajuuska u ahaa madaxii sirdoonka Jarmalka ee la xiray oo la ogaaday
Caasimada Online