Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Muhaajiriin dooni ay kula degtay xeebaha Liibiya
Trípoli — Ugu yaraan 51 qof oo muhaajiriin ah ayaa la soo sheegayaa inay geeriyoodeen ama la la’yahay ka dib markii ay doon kula degtay xeebaha dalka Liibiya, xilli ay isku dayayayeen inay si sharci-darro ah ku gaaraan qaaradda Yurub. Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa xaqiijisay in shilkan naxdinta leh uu ka […]
Ugu yaraan 51 qof oo muhaajiriin ah ayaa la soo sheegayaa inay geeriyoodeen ama la la’yahay ka dib markii ay doon kula degtay xeebaha dalka Liibiya.
Maxaa la shaaciyey
- Shilkan naxdinta leh ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada xeebta ah ee Sabratha.
- Doontan oo siday muhaajiriin tiradoodu kor u dhaafayso 60 qof ayaa la sheegay inay la kulantay dhibaato farsamo.
- Ciidamada ilaalada xeebaha Liibiya iyo kooxaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan kaliya dhowr qof.
Macnaha guud
Dhibaatooyinka muhaajiriinta ee isku dayaya inay si sharci-darro ah ku gaaraan qaaradda Yurub ayaa sii kordhaya.
“IOM iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa dhowr jeer oo hore ka digay halista sii kordheysa ee marinka badda Mediterranean-ka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Muhaajiriinta Soomaaliyeed iyo xaaladaha halista ah ee ay wajahayaan marka ay isku dayayaan inay gaaraan Yurub.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Trípoli — Ugu yaraan 51 qof oo muhaajiriin ah ayaa la soo sheegayaa inay geeriyoodeen ama la la’yahay ka dib markii ay doon kula degtay xeebaha dalka Liibiya, xilli ay isku dayayayeen inay si sharci-darro ah ku gaaraan qaaradda Yurub.
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa xaqiijisay in shilkan naxdinta leh uu ka dhacay meel u dhow magaalada xeebta ah ee Sabratha, oo caan ku ah marinnada ay isticmaalaan kooxaha dadka tahribiya.
Doontan oo siday muhaajiriin tiradoodu kor u dhaafayso 60 qof, ayaa la sheegay inay la kulantay dhibaato farsamo iyo ruxan xooggan oo dhanka badda ah, taas oo sababtay inay gaddoonto. Ciidamada ilaalada xeebaha Liibiya iyo kooxaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan kaliya dhowr qof oo ka badbaaday musiibadan.
IOM iyo hay’adaha kale ee gargaarka ayaa dhowr jeer oo hore ka digay halista sii kordheysa ee marinka badda Mediterranean-ka, kaas oo loo aqoonsaday mid ka mid ah marinnada ugu dhimashada badan dunida ee ay maraan dadka raadinaya nolol dhaanta midda waddamadooda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.