Muxuu yahay ujeedka shirka muhiimka ah ee uu maanta furay Xasan? + Sawirro
Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Shirka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsato, maamuleyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya, ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.
Shirka ayaa sidoo kale fursad u noqday dowladda iyo dhinacyada kale oo is dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa maalgelin ku filan oo lagu fuliyo mashaariicda horumarineed ee dalka.
Waxaa kale oo laga hadlay sidii loo horumarin lahaa kaabeyaasha dhaqaalaha, loo kordhin lahaa wax-soo-saarka gudaha, loona abuuri lahaa fursado maalgashi oo soo jiita maalgeliyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya ee maanta ka qabsoomay Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo ka gudbidda marxaladda dib-u-soo-kabashada.
Si kastaba, Dadaallada lagu xoojinayo maalgelinta horumarineed ayaa qayb ka ah qorshayaasha lagu dhisayo dhaqaale Soomaaliyeed oo ku tiirsan wax-soo-saarka gudaha, maalgashi waara iyo doorka firfircoon ee ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · furay · shirka · xasan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada