Puntland iyo Mareykanka oo xaqiijiyay hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Al-Madow
Garoowe, Soomaaliya – Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay guusha laga gaaray hawlgal ka dhan ah argagixisada oo laga fuliyay buuraha Al-Madow (Golis), kaas oo lagu beegsaday goob ay kooxda Al-Shabaab hub ku kaydsan jirtay oo ku taalla Markad.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Garoowe, Soomaaliya – Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay guusha laga gaaray hawlgal ka dhan ah argagixisada oo laga fuliyay buuraha Al-Madow (Golis), kaas oo lagu beegsaday goob ay kooxda Al-Shabaab hub ku kaydsan jirtay oo ku taalla Markad.
War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalkan, oo lagu fuliyay iskaashi lala sameeyay mas’uuliyiinta Puntland, lagu bartilmaameedsaday goob ay Al-Shabaab u isticmaali jireen kaydinta hubka iyo rasaasta loogu talagalay in lagu taageero falalka argagixisanimo, laguna khatar geliyo dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Hawlgalkan ayaa lagu tilmaamay tallaabo kale oo muhiim ah oo laga qaaday ololaha ballaaran ee lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro waqooyiga Soomaaliya. Puntland iyo Mareykanka ayaa, iyagoo beegsanaya kaabayaasha taageera shabakadaha argagixisada, kordhinaya cadaadiska saaran Al-Shabaab, isla markaana wiiqaya awoodda kooxdu u leedahay fulinta howlgalladeeda iyo qorsheynta weerarrada.
Dowladda Puntland iyo Mareykanka ayaa mar kale caddeeyay in hawlgalkani uu qayb ka yahay dadaal joogto ah oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, loogana hortagayo inay helaan goobo ammaan ah, isla markaana lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida muddada dheer ee waqooyiga Soomaaliya.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · xaqiijiyay · dhan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada