Puntland oo 18 askari u xirty falkii ka dhacay Garoowe
Puntland ayaa sheegtay in ay maanta xirty 18 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka, kuwaas oo ku eedeeysan qalalaase iyo… Sii akhri
Puntland ayaa xirtay 18 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka kadib falal amni darro ah oo ka dhacay Garoowe.
Maxaa la shaaciyey
- Ciidanka Booliska Puntland ayaa raalli gelin ka bixiyay falkii qalalaasaha ee ka dhacay Garoowe.
- Askarta la xiray waxaa lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka.
- Baaritaanno rasmi ah ayaa lagu wadaa in la sameeyo, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Macnaha guud
Falkani wuxuu ka dhacay 7-da bisha Juun, 2026, waxaana uu carqaladeeyay amniga magaalada Garoowe.
“Ciidanka Booliska Puntland wuxuu xusay in ilaalinta amniga iyo kala dambeynta ay yihiin waajibaad dastuuri ah.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan tallaabooyinka la qaaday si loo xoojiyo amniga dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Puntland ayaa sheegtay in ay maanta xirty 18 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka, kuwaas oo ku eedeeysan qalalaase iyo falal amni darro ah oo 7 bishan ka dhacay magaalada Garoowe.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliska Puntland uu shacabka ka raalli gelinayo falkii qalalaasaha watay ee ka dhacay caasimadda Garoowe June 07, 2026, kadib markii koox ka tirsan Ciidanka Booliska Birmadka ay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka, una carqaladeeyeen amniga iyo kala dambeynta.
Taliska Ciidanka Booliska wuxuu si cad u sheegay in dhacdadaasi aysan matalin nidaamka, anshaxa iyo waajibaadka Ciidanka Booliska, balse ay ahayd fal abaabulan oo ay ku lug lahaayeen gacmo dano gaar ah leh, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa dhaawaca sumcadda ciidamada iyo suurad xumeynta dowladda.
Booliska Puntland wuxuu xusay in askar la xiray ay ku socdaan baaritaanno rasmi ah, islamarkaana la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.