Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Puntland oo ka hadashay khidmadaha cusub ee dekedda Boosaaso
Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khidmadaha cusub ay soo rogtay shirkadda DP World ee sababay xirnaanshaha dekedda iyo… Sii akhri

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Dowladda Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khidmadaha cusub ay soo rogtay shirkadda DP World ee sababay xirnaanshaha dekedda iyo goobaha ganacsiga Boosaaso.
Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in khidmadaha cusub ee la soo rogay yihiin kuwa sharci ah, isaga oo ka codsatay ganacsatada in ay u hoggaansamaan bixintooda.
“Waxaan dhammaan ganacsatada ka codsaneynaa in ay u hoggaansamaan bixinta khidmadaha cusub ee loogu talagalay horumarinta adeegyada dekedda” ayuu yiri wasiir Axmed Yaasiin.
“Sida uu heshiisku ahaa, hirgelinta nidaam sharci ah oo lagu maalgelinayo horumarka dekedda waa lama huraan. In la hor istaago nidaamkaas waxaan u arkaa inay caqabad ku tahay horumarka dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee dowladda,” ayuu raaciyay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.