Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Puntland oo ka hortimid in ay xeebaheeda ka howlgasho SOMTURK
Puntland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in shirkadda laga leeyahay Turkiga ee SOMTURK ay xeebeheeda ka fuliso howlgallo la… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Puntland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in shirkadda laga leeyahay Turkiga ee SOMTURK ay xeebeheeda ka fuliso howlgallo la xiriira ilaalinta xeebaha iyo kalluumeysiga.
Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay iyadu leedahay awoodda dastuuriga ah ee maamulka, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dhulka iyo badda ee ku jira deegaannadeeda.
Puntland waxay xustay in Dowladda Federaalka aysan sharci ahaan u lahayn in ay bixiso heshiisyo ama rukhsado quseeya kheyraadka Puntland, iyada oo aan wadatashi iyo heshiis lala gelin dhankeeda.
Puntland waxay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadayso isku day kasta oo aan ogolaansho haysan oo lagu farageliyo xeebaheeda, iyada oo tilmaantay in ay ciidankeeda ka hortagayaan ficillo lagu sheegay kuwa sharciga hareer marsan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.