Puntland oo siidaysay ciidankii ay ku qabatay Gaalkacyo
Puntland ayaa galabta sii daysay ciidankii iyo gaadiidkii ay ku qabtay magaalada Gaalkacyo, iyada oo ku wareejisay maamulka deriska la… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Puntland ayaa galabta sii daysay ciidankii iyo gaadiidkii ay ku qabtay magaalada Gaalkacyo, iyada oo ku wareejisay maamulka deriska la ah ee Galmudug.
Puntland ayaa sheegtay in ay baaris ku ogaatay jn ciidanka iyo gaadiidka ahaayeen habow soo lumay oo u socday tababar, islamarkaana ka tirsan Galmudug.
Sidoo kale Galmudug ayaa sheegtay sidaas si la mid ah, iyada oo Puntland uga mahadcelisay sida ay ugu soo wareejisay ciidanka iyo gaadiidka waday.
Ciidankan oo u socday deegaanka Xanan-buure ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay in ay ahaayeen ciidan ay qoratay dowladda Federaalka oo ka soo jeeda Galmudug.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidankii · gaalkacyo · puntland
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Puntland oo sii daysay ciidamadii ay ku qabatay Gaalkacyo
Caasimada Online
- Puntland oo qabatay ciidamo katirsan dowladda oo gaaraya 130 Askari
Raxanreeb Online
- Puntland oo gacanta ku dhigtay ciidamo ay DF ka qoratay Mudug
Caasimada Online