Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Puntland oo wareegtay xeradii PSF ee Boosaaso
Puntland ayaa saaka la wareegtay xeradii ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland.… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Puntland ayaa saaka la wareegtay xeradii ciidamada PSF ee magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland.
Ciidamadan oo haystay sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Cismaan Diyaano ayaa shalay ogolaaday in uu xerada ku wareejiyo dowladda.
“Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirta gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Booliska.
Dhanka kale ciidamo ka tirsan PSF oo watay 9 gaari, islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa agagaarka magaalada Qardho ayaa wararku sheegayaan in ay u goostaan dhanka maamulka Waqooyi Bari.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.