Qareennada Bariga Afrika oo warqad culus usoo diray Xasan Sheekh, kana dalbaday in…
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiUrurka Qareennada dalalka Bariga Afrika (EALS) ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ixtiraamo go’aannada Maxkamadda Sare, iyadoo laga muujinayo walaac ku saabsan madax-bannaanida garsoorka Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- EALS ayaa walaac ka muujiyay tallaabooyin ay sheegeen inay halis gelinayaan madax-bannaanida garsoorka Soomaaliya, iyaga oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu qaaday tallaabooyin faragelinaya madax-bannaanida hay’adaha garsoorka.
- Ururka ayaa sidoo kale xusay in ilaaladii laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, isla markaana hanjabaado loo jeediyay qaar kamid ah garsoorayaasha, arrimahaas oo ay ku tilmaameen kuwo walaac weyn ku abuuri kara madax-bannaanida garsoorka.
- Go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore dhaliyay xiisad siyaasadeed oo cusub kadib markii ay maxkamaddu sheegtay in muddadii xil-haynta madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlamaanka ay dhammaatay, maadaama ay ahayd afar sano.
- Maxkamaddu waxay sidoo kale dhinacyada ay khusayso doorashada fartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku gaaraan heshiis wadar-ogol ah oo ku saabsan hannaanka doorashada, halka doorashada lafteeda lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ururka Qareennada dalalka Bariga Afrika (EALS) ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ixtiraamo oo uu u hoggaansamo go’aannada Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.
- Maxkamaddu waxay sheegtay in muddadii xil-haynta madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlamaanka ay dhammaatay, maadaama ay ahayd afar sano.
- Xalay waxaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku dhexmaray taliyeyaasha hay’adaha amniga ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka, kaas oo lagu gaaray isfaham iyo natiijo hordhac ah oo ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac oo ku
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Qareennada dalalka Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EALS ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ixtiraamo oo uu u hoggaansamo go’aannada Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.
EALS ayaa walaac ka muujiyay tallaabooyin ay sheegeen inay halis gelinayaan madax-bannaanida garsoorka Soomaaliya, iyaga oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu qaaday tallaabooyin faragelinaya madax-bannaanida hay’adaha garsoorka.
Ururka ayaa sidoo kale xusay in ilaaladii laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, isla markaana hanjabaado loo jeediyay qaar kamid ah garsoorayaasha, arrimahaas oo ay ku tilmaameen kuwo walaac weyn ku abuuri kara madax-bannaanida garsoorka.
Go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore dhaliyay xiisad siyaasadeed oo cusub kadib markii ay maxkamaddu sheegtay in muddadii xil-haynta madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlamaanka ay dhammaatay, maadaama ay ahayd afar sano.
Maxkamaddu waxay sidoo kale dhinacyada ay khusayso doorashada fartay inay muddo 30 maalmood gudahood ah ku gaaraan heshiis wadar-ogol ah oo ku saabsan hannaanka doorashada, halka doorashada lafteeda lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Arrinta ugu weyn ee muranka dhalisay ayaa sidoo kale ahayd go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka uga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, kaas oo maxkamaddu ku tilmaantay sharci-darro.
Iyadoo ay taagan yihiin khilaafaadkan u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo garsoorka, baaqa EALS ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan wada-hadallo siyaasadeed oo looga arrinsanayo khilaafka ka dhashay dastuurka cusub iyo hanaanka doorashooyinka dalka.
Xalay waxaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku dhexmaray taliyeyaasha hay’adaha amniga ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka, kaas oo lagu gaaray isfaham iyo natiijo hordhac ah oo ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac oo ku aadanaa amniga dalka.
Kulanka oo ka dhacay guriga ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa dowladda uga qayb-galay Taliyayaasha NISA, booliska, ciidanka xoogga dalka iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Dhanka mucaaradkana waxaa kulanka ka qayb-galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, laba ra’iisul wasaare hore iyo xildhibaanno.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada dhinac ayaa inta uu socday shirka isku afgartay ka fogaanshaha siyaasadaynta amniga iyo in si wadajir ah looga hortago kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, meelna looga soo wada jeesto.
Sidoo kale waxaa la isku fahmay qodobka doorasho heshiis, iyadoo labada dhinac isku raaceen in dalka laga qabto doorasho ku dhisan heshiis iyo is-afgarad siyaasadeed iyo dhisidda kalsoonida iyo wada-shaqaynta labada dhinac.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Ururka Qareennada dalalka Bariga Afrika (EALS) ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ixtiraamo go’aannada Maxkamadda Sare, iyadoo laga muujinayo walaac ku saabsan madax-bannaanida garsoorka Soomaaliya. Kulanka ayaa ka dhacay Muqdisho dhexdiisa oo ay isugu yimaadeen taliyeyaasha amniga iyo xubnaha mucaaradka si ay uga wada hadlaan arrimaha amniga.
Qodobada muhiimka ah
- Ururka Qareennada dalalka Bariga Afrika (EALS) ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu ixtiraamo oo uu u hoggaansamo go’aannada Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.
- Maxkamaddu waxay sheegtay in muddadii xil-haynta madaxweynaha dowladda federaalka iyo labada gole ee baarlamaanka ay dhammaatay, maadaama ay ahayd afar sano.
- Xalay waxaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku dhexmaray taliyeyaasha hay’adaha amniga ee dowladda iyo xubnaha mucaaradka, kaas oo lagu gaaray isfaham iyo natiijo hordhac ah oo ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac oo ku
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha EALS ama Maxkamadda Sare.
- Lama helin jawaab ka timid Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ama maamulka uu hoggaamiyo.
- Faahfaahinta ku saabsan natiijooyinka kulanka amniga lama sheegin.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda ku saabsan madax-bannaanida garsoorka iyo wadahadalada amniga ee Soomaaliya ayaa hadda ah mid kacsan oo isbedelaya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud lagu eedeeyay?
- Maxay tahay saameynta go’aanka Maxkamadda Sare ee siyaasadda dalka?
- Maxay yihiin heshiisyada la gaaray intii lagu guda jiray kulanka amniga?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · afrika · xasan · qareennada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada