Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, halkaas oo xukuumadda ka fulinayso hawlo adeeg bulsho iyo kuwa horumarineedba. Hoggaanka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan ayaa si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyay […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, halkaas oo xukuumadda ka fulinayso hawlo adeeg bulsho iyo kuwa horumarineedba.
Hoggaanka Waqooyi Bari iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay odayaasha dhaqanka ugu horeeyaan ayaa si weyn Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyay garoonka Diyaaradaha, xilli maamulka ku jiro maalmaha dabaaldegga sanad-guuraddii koowaad ee asaaska Waqooyi Bari Soomaaliya.
Mudane Xamsa oo garoonka kula hadlay dad tiro badan oo soo dhoweyntiisa isugu soo baxay ayaa yiri “ Waan idiinka mahadcelinayaa soodhoweyntiina , waxaanan idiin sheegayaa in aan idin jeclahay, waan wada joognaa, waxaanan idinkala qeybgalayaa dabaaldegga sanad guurada asaaska maamulka”.
Qaar ka mid ah wasaaraddaha Dan Qaran ayaa Waqooyi Bari ka furi doona adeegyo bulsho.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.