Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hambalyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda 26-ka Juun
Dhuusamareeb – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 26-ka Juun ee sannad-guurada 66-aad u direy shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin ku weyn taariikhda Soomaaliy
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun ee sannad-guurada 66-aad.
Maxaa la shaaciyey
- Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin muhiim ah oo astaan u ah halgankii gobanimada iyo midnimada.
- Xamsa Cabdi Barre wuxuu xusay in geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda ay waajib ku tahay in la ilaaliyo halgankooda.
- Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada Soomaaliyeed ku booriyay in ay adkeeyaan wadajirka Qaranka iyo difaaca madax-bannaanida dalka.
““Caawa oo kale waa habeen qiimo gaar ah ku leh xasuusta shacabka Soomaaliyeed.””
Sababta ay muhiim u tahay: Munaasabaddan waxay xusuusinaysaa shacabka Soomaaliyeed taariikhda halganka iyo muhiimadda midnimada iyo nabadda.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Dhuusamareeb – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 26-ka Juun ee sannad-guurada 66-aad u direy shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin ku weyn taariikhda Soomaaliyeed, maadaama ay astaan u tahay halgankii dheeraa ee loo maray gobanimada, midnimada, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in ay yeeshaan dowlad xor ah oo madax-bannaan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda dalka ay waajib ku tahay jiilasha maanta ilaalinta halgankii ay u dhinteen oo ahaa Soomaaliya mid ah wadajirta iyo in la xoojiyo nabadda, horumarka iyo xasilloonmida dalkeenna.
“Caawa oo kale waa habeen qiimo gaar ah ku leh xasuusta shacabka Soomaaliyeed, waanna habeen aynu ku xasuusanno geesiyaashii iyo halgamayaashii naftooda u huray sidii ay ummaddeennu u heli lahayd xorriyad iyo karaamo. Waxa ina saaran masuuliyad ah in aynu ilaalinno midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalkeenna, si jiilasha soo socda ay ugu noolaadaan Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo ka hanaqaadda himilooyinkii ay u soo halgameen aabbayaasheen iyo hooyooyinkeen”. Ayuu yiri Ra;iisul Wasaare Xamsa Cabdi Baare.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.