Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya
MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Daccò Coppi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo ay dowladda Talyaa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Daccò Coppi.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo ay dowladda Talyaaniga ka taageerayso Soomaaliya.
- Saddex mashruuc oo isbitaallo looga dhisayo degmooyinka Afmadoow, Xarardheere, iyo Caddale ayaa la wada hadlay.
- Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
“Danjire Pier Daccò Coppi ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka warqabaan horumarka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Daccò Coppi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo ay dowladda Talyaaniga ka taageerayso Soomaaliya, gaar ahaan saddex mashruuc oo waaweyn oo isbitaallo looga dhisayo degmooyinka Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, Xarardheere ee gobolka Mudug iyo Caddale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay halka ay marayaan mashaariicdaasi iyo qorshaha lagu hirgelinayo adeegyada caafimaad ee ay bulshada uga faa’iideysan doonaan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, isaga oo xusay iskaashiga dhinacyada diblumaasiyadda, horumarka, waxbarashada iyo taageerada bani’aadannimada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.