Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Tababar u Soo Xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMuqdisho, 28 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ciidanka dufcaddan ayaa muddadii tababarka lagu baray xeerka ciqaabta, xuquuqda aadanaha, xirfadaha caafimaadka iyo isgaarsiinta, cilad-bixinta hubka iyo xeeladaha dagaalka.
- Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii tababarka, isaga oo kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqeeyaan difaaca dalka.
- Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan leh tababar, tayo iyo awood ay ku gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
- Waxa uu sidoo kale ciidanka cusub kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharciga, kuna sifoobaan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, 28 Sebteembar 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab.
Ciidanka dufcaddan ayaa muddadii tababarka lagu baray xeerka ciqaabta, xuquuqda aadanaha, xirfadaha caafimaadka iyo isgaarsiinta, cilad-bixinta hubka iyo xeeladaha dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii tababarka, isaga oo kula dardaarmay inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka shaqeeyaan difaaca dalka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan leh tababar, tayo iyo awood ay ku gutaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Waxa uu sidoo kale ciidanka cusub kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharciga, kuna sifoobaan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay barteen dufcadda 12-aad ee Kumaandooska Danab, kuwaas oo loo diyaariyey gudashada waajibaadka qaran ee la xiriira difaaca dalka, sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · tababar · aad · xamsa
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada