Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo
PRETORIA, Koonfur Afrika – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Aadam Isaaq, ayaa maanta si rasmi ah u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Koonfur Afrika, isagoo bilaabay howlaha diblomaasiyadeed ee uu ku matalayo Soomaaliya. Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa qeyb ka ah habraaca diblomaasiya

Safiirka cusub ee Soomaaliya, Mudane Aadam Isaaq, ayaa maanta gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Koonfur Afrika.
Maxaa la shaaciyey
- Safiirka ayaa bilaabay howlaha diblomaasiyadeed ee uu ku matalayo Soomaaliya.
- Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa qeyb ka ah habraaca diblomaasiyadeed ee lagu aqoonsado safiirrada cusub.
- Safiirka ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee shaqadiisa ay noqon doonto xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.
“Mudnaanta koowaad ee shaqadiisa ay noqon doonto xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
PRETORIA, Koonfur Afrika – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Aadam Isaaq, ayaa maanta si rasmi ah u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Koonfur Afrika, isagoo bilaabay howlaha diblomaasiyadeed ee uu ku matalayo Soomaaliya.
Munaasabadda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ayaa qeyb ka ah habraaca diblomaasiyadeed ee lagu aqoonsado safiirrada cusub ee loo soo magacaabo dalalka saaxiibka ah.
Safiirka ayaa sidoo kale Madaxa Hab-maamuuska Dowladda Koonfur Afrika ku wareejiyay fariin rasmi ah oo ka timid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), taas oo ku socotay dhiggiisa Dowladda Koonfur Afrika.
Safiir Aadam Isaaq ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ee shaqadiisa ay noqon doonto xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.