Safiirka Suudaan oo la arkay isagoo kaligiis dhex socda Muqdisho + Video
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Suudaan u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed ayaa maanta qaaday tallaabo hadal-heyn dhalisay, kadib markii la arkay, isagoo kaligiis dhex socda mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Safiirka Suudaan u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed, ayaa la arkay isagoo kaligiis dhex socda mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.
- Tallaabada safiirka Suudaan ayaa lagu tilmaamay mid xujo ku ah siyaasiyiinta iyo diblumaasiyiinta wata gawaarida iyo askarta faraha badan ee hubeysan.
- Qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay arrinta cajiibka ah ee uu sameeyay Danjire Cabdulraxmaan Khaliil Axmed.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Suudaan u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed ayaa maanta qaaday tallaabo hadal-heyn dhalisay, kadib markii la arkay, isagoo kaligiis dhex socda mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Muuqaalka safiirka Suudaan ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, isagoo hor taagan maqaayad ay Muqdisho ku leeyihiin muwaadiniin Suudaanees ah, waxaana muuqda hal gaari iyo darawalka safiirka oo kaliya.
Danjiraha ayaa sidoo kale dalab ka qaatay maqaayadda, isagoo ganacsatada reer Suudaan ee uu la kulmay ku dhiirageliyay ganacsigooda.
Tallaabada safiirka Suudaan ayaa lagu tilmaamay mid xujo ku ah siyaasiyiinta iyo diblumaasiyiinta wata gawaarida iyo askarta faraha badan ee hubeysan, kuwaas oo muujinayo in weli khatar amni ay ka jirto magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa sidoo kale muujineysa amniga wanaagsan ee haatan ka jira caasimada dalka, kaas oo wax badan laga qabtay sanadihii ugu dambeeyay.
Haddaba sidee looga fal-celiyay tallaabada safiirka Suudaan?
Qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay arrinta cajiibka ah ee uu sameeyay Danjire Cabdulraxmaan Khaliil Axmed, maadaama uu diray farriin cad oo la xiriirta amniga ka jira Muqdisho.
Dadka ka fal-celiyay muuqaalka ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in safiir ka yimid dal kale uu sidaan ugu kalsoonaado amniga magaalada Muqdisho, halka weli siyaasiyiinta dalka ay wataan gaadiid iyo askar badan.
Cabdixayi Shaafi: “Waa tallaabo wanaagsan oo tusinaysa amniga ay caasimadu ku talaabsatay, lkn waxaa wax laga xumado ah in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ka xunyihiin amniga dalka”.
Ayuub Maxamuud: “Suudaaniyiiinta allaha sharfo waa dad qiimo badan wax weyna inaga dhexeeyaan”.
Cabdiraxmaan Muumin: “Sida ay u faraxsan yihiin m.a aad iyo aad ayey u jecel yihiin Soomaalida waa karaameeyaan”.
The post Safiirka Suudaan oo la arkay isagoo kaligiis dhex socda Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online .
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Safiirka Suudaan u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed, ayaa la arkay isagoo kaligiis dhex socda mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, taasoo dhalisay dood ku saabsan amniga magaalada.
Qodobada muhiimka ah
- Safiirka Suudaan u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mudane Cabdulraxmaan Khaliil Axmed, ayaa la arkay isagoo kaligiis dhex socda mid kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.
- Tallaabada safiirka Suudaan ayaa lagu tilmaamay mid xujo ku ah siyaasiyiinta iyo diblumaasiyiinta wata gawaarida iyo askarta faraha badan ee hubeysan.
- Qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga fal-celiyay arrinta cajiibka ah ee uu sameeyay Danjire Cabdulraxmaan Khaliil Axmed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tallaabada safiirka.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ku saabsan tallaabada safiirka.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay falcelinta baraha bulshada iyada oo aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Muuqaalka safiirka Suudaan oo kaligiis u socda Muqdisho ayaa su'aalo ka keenaya xaaladda amniga ee magaalada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka amniga ee ka jira Muqdisho oo u oggolaanaya falalkan?
- Sidee siyaasiyiinta maxalliga ah u arkaan tallaabada safiirka marka loo eego tallaabooyinkooda amni?
- Maxay noqon kartaa saameynta dhacdadan ku yeelan karto xiriirka diblomaasiyadeed ee Suudaan iyo Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · safiirka · suudaan · dhex