Sanbalooshe: Shacabka Hiiraan waxay muujiyeen geesinimo iyo midnimo
Jimco, 25, Sep 2026, {HMC} Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, taliyihii hore ee hay’adda NISA, ayaa bogaadiyay bannaanbax nabadeed oo ay dhigeen shacabka Gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inay muujiyeen geesinimo iyo adkaysi ay ku difaacayaan xuquuqdooda.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Jimco, 25, Sep 2026, {HMC} Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, taliyihii hore ee hay’adda NISA, ayaa bogaadiyay bannaanbax nabadeed oo ay dhigeen shacabka Gobolka Hiiraan, isagoo sheegay inay muujiyeen geesinimo iyo adkaysi ay ku difaacayaan xuquuqdooda.
Sanbalooshe ayaa sheegay in bannaanbaxu yahay muujinta rabitaanka iyo cabashada shacabka, isagoo si gaar ah u bogaadiyay xildhibaannada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada ee ka qaybqaatay isu-soo-baxa. “Codkiinnu wuxuu gaaray Soomaalida iyo dunida inteeda kale.
Halganka xaqa lagu raadinayo wuxuu u baahan yahay samir, midnimo iyo adkaysi,” ayuu yiri cabdullaahi Sanbalooshe.
Wuxuu intaas ku daray in diidmada dulmigu tahay waajib diini ah iyo mid akhlaaqeed, isagoo shacabka Hiiraan ku ammaanay inay si nabad ah u muujiyeen mowqifkooda.
Sanbalooshe ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Shalay ma maqneyn; waad is muujiseen, reer Hiiraan.”
Gobolka Hiiraan ayaa shalay lagu qabtay bannaanbax looga soo horjeedo doorashada Hirshabeelle, iyadoo siyaasiyiinta ugu miisaanka culus iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ay isku raaceen in doorasho aan heshiis lagu ahayn aysan ka dhicin gobolka Hiiraan.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · hiiraan · muujiyeen · sanbalooshe