NISA oo Howlgal ka Fulisay Shabeellaha Dhexe
Warka oo kooban
40 ilbiriqsiCiidanka NISA ayaa howlgal ka fuliyay tuulada Bur Saruur, halkaas oo lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Qodobbada muhiimka ah
- Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Bur Saruur, oo qiyaastii 2 KM koonfur-bari kaga beegan deegaanka Cali-Gaduud, waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
- Sida lagu sheegay warbixinta, howlgalka ayaa lagu burburiyay agab ciidan iyo goobo ay Al-Shabaab gabbaad ka dhigteen.
- Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo ciidamada ay weli ku raad-joogaan firxadka haraadiga Al-Shabaab, si looga hortago falal amni-darro oo ay ka geysan karaan deegaannadaas.
- Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Bur Saruur, oo ku taalla Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Bur Saruur, oo ku taalla Gobolka Shabeellaha Dhexe.
- NISA ayaa kaashanaysa saaxiibada caalamka si ay u burburiso agab ciidan oo Al-Shabaab ay isticmaali jireen.
- Ciidamada NISA ayaa weli ku raad-joogaan haraadiga Al-Shabaab si looga hortago falal amni-darro.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Bur Saruur ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Bur Saruur, oo qiyaastii 2 KM koonfur-bari kaga beegan deegaanka Cali-Gaduud, waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay warbixinta, howlgalka ayaa lagu burburiyay agab ciidan iyo goobo ay Al-Shabaab gabbaad ka dhigteen.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo ciidamada ay weli ku raad-joogaan firxadka haraadiga Al-Shabaab, si looga hortago falal amni-darro oo ay ka geysan karaan deegaannadaas.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shabeellaha · dhexe · howlgal
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada