Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Shacabka Itoobiya oo u Dareeray Goobaha Codbixinta Doorashooyinka iyo Xisbiga Abiy Axmed oo Guul Weyn Filanaya

ADDIS ABABA – Shacabka dalka Itoobiya ayaa saaka oo Isniin ah u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xubnaha Aqalka Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka, waana doorashadii 7-aad ee guud ee dalkaasi ka dhacda iyadoo dowladduna ay maanta u dhawaaqday fasax qaran. Doorashadan oo ay iska diwaangeliyeen ilaa 50 milyan oo qof, ayaa […]

SO
Shacabka Itoobiya oo u Dareeray Goobaha Codbixinta Doorashooyinka iyo Xisbiga Abiy Axmed oo Guul Weyn Filanaya
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

ADDIS ABABA – Shacabka dalka Itoobiya ayaa saaka oo Isniin ah u dareeray goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xubnaha Aqalka Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka, waana doorashadii 7-aad ee guud ee dalkaasi ka dhacda iyadoo dowladduna ay maanta u dhawaaqday fasax qaran.

Doorashadan oo ay iska diwaangeliyeen ilaa 50 milyan oo qof, ayaa la saadaalinayaa inuu aqlabiyadda ku guulaysan doono xisbiga talada haya ee Barwaaqo-sooranka (Prosperity Party ) ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, maadaama ay xisbiyada mucaaradku yihiin kuwo aad u kala qaybsan. Xisbiga rasmiga ah oo hadda haysta ka sii badan 500 oo kursi, ayaa rajeynaya inuu guushan ku helo muddo xileed cusub oo shan sano ah, iyadoo nidaamka dalkaas uu yahay in muwaadiniintu doortaan wakiillada, ka dibna wakiilladu ay doortaan Ra’iisul Wasaaraha.

Arrimha ugu waaweyn ee doorashadan hareeyey ayaa ah baaqyada ku aaddan dib-u-heshiisiin qaran, ka dib dagaalladii ragaadiyay gobollada Tigray, Oromia, iyo Amhara. Gobolka waqooyi ee Tigray ayaa markii labaad laga saaray doorashada qaranka, waxaanay matalaaddii federaalka ka maqnaayeen lixdii sano ee la soo dhaafay. Tani waxay dhalisay cabsi laga qabo in gobolkaasi uu isu rogo dagaal wakiilnimo, iyadoo xisbiga TPLF uu ku hanjabay inuu baabi’inayo heshiiskii nabadeed ee November 2022. Sidoo kale, inkastoo Abiy Axmed uu sanadkii 2019 ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, haddana waxaa taagan xiisad dhex maysa dalka deriska ah ee Eritrea oo salka ku haysa doonista Itoobiya ee dhanka badda.

Dhinaca kale, falanqeeyayaasha siyaasadda iyo xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Ezema ayaa rajo ka muujiyey in doorashadani ay noqoto mid cadaalad ah, sababo la xiriira horumarka tignoolajiyada ee lagu soo kordhiyey habka doorashada iyo wacyiga shacabka oo kor u kacay si looga baxo siyaasadda ku dhex milantay qowmiyadaha.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralitoobiyashacabkacodbixinta
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.